28.9 C
Mogadishu
Wednesday, October 22, 2025

Fiqi oo weerar xun ku qaaday madaxweyne Farmaajo iyo Khayre kadib markii hay’adda…

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya Axmed Macallin Fiqi oo maanta ka qayb-galay daah-furka shirweynaha labaad ee u adkeysiga aafooyinka Soomaaliya ayaa weerar culus oo dhanka afka ah ku qaaday Madaxweynihii hore ee dalka, Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Farmaajo) iyo Ra’iisul wasaarihiisii Xasan Cali Khayre.

Ugu horreyn Fiqi oo madasha hadal ka jeediyay ayaa adkeeyay muhiimadda ay leedahay ka hortagga iyo wax-ka-qabashada musiibooyinka dalka, iyadoo loo marayo cilmi baaris iyo daraasado xog-ogaalnimo iyo aqoon ku dhisan.

Sidoo kale, wuxuu tilmaamay in kumannaan ruux oo Soomaaliyeed ay ku naf waayeen musiibooyinka dalka ka dhacay, taas oo muujinaysa baahida deg-degga ah ee loo qabo nidaamyo wax ku ool ah oo ka hortagaya musiibooyinka soo laalaabtay.

Intaas kadib wuxuu guda galay arrimaha siyaasadda ee lagu yaqiinay, wuxuuna weeraray Farmaajo iyo Khayre oo uu ku eedeeyay inay horay u burburiyeen Hay’adda SoDMA oo iyadu maanta soo qaban qaabisay shirweynaha, taas oo u xilsaaran howlaha gaargaarka dalka.

Wasiir Fiqi ayaa sheegay in Madaxweynihii hore ee dalka iyo Ra’iisul wasaarihii ay wasaarad ka dhigeen hay’adda, isla markaana ay qaribeen shaqadeeda, balse ay iyagu ku dadaaleen in lasoo celiyo, si ay wax uga qabato musiibooyinka iyo arrimaa bani’aadanimada.

“Mar-baa hay’addan laga dhigay wasaarad oo qashaad bay gashay 5-tii sano oo ninkii saaxibkeen ahaa Xasan Cali Khayre iyo Farmaajo ay joogeen wasaarad ayaa laga dhigay waa qaribantay, laakiin markii hay’ad lagu soo celiyay Institution jira ayay noqotay” ayuu yiri Fiqi.

Waxaa kale oo uu intaa ku datay “Waa ujeedaan shaqooyinka ay qabatay iyo waxa ay isku keeneyso, waana hambalyeyneynaa guusha ay gaareen Maxamuud Macallin iyo teamkiisa”.

Fiqi ayaa inta badan khudbadihiisa ku weerara xubnaha mucaaradka iyo madaxdii hore, isaga oo lagu yaqaanno inuu afkiisa ku difaaco xukuumadda uu markaas ka tirsan yahay.

- Advertisement -

Read more

Local News