Ceerigaabo (Caasimada Online) – Shirweynaha nabadda ee ka socday magaalada Ceerigaabo, ee gogoshiisa uu dhigay Madaxweynaha Somaliland ayaa maanta lasoo gaba-gabeeyay, kaasi oo laga soo saaray go’aanno dhowr ah.
War-murtiyeed kasoo baxay shirka ayaa lagu shaaciyay qodobo ay ku heshiiyeen beelaha shirkaas ka qeyb-galay, kuwaas oo qalinka ku duugay “in nabad iyo walaaltimo lugu wada noolaado, degmada Ceerigaabo iyo guud ahaan gobolka Sanaag.”
Beelaha ayaa waxay isla qaateen “in ay ilaashadaan nabad-gelyadooda, wadajirkooda, walaatinimadooda iyo dowladooda Somaliland,” sida lagu yiri qoraalka kasoo baxay shirweynaha.
Sidoo kale, waxay isla gaareen beelaha reer Sanaag ee shirkan ka qeyb-galay in la raadiyo cid kasta oo ka maqan nabadda Ceerigaabo, si ay u noqoto nabadeyn loo dhan yahay, iyagoo beelaha kale loogu baaqay qeyb ka noqoshada nabadda ka hanaqaaday gobolkaasi.
“Beelaha gobalka Sanaag waxay ku heshiiyeen in guud ahaan amniga gobolka ay mas’uul tahay dowladda Somaliland, cid kasta oo nabadda caqabad ku ahna tallaabo ka qaado,” ayaa lagu yiri war-murtiyeedka kasoo baxay shirka.
Waxa kale oo intaas lagu daray: “Beelaha gobalka Sanaag waxay ugu baaqeen xukuumadda Somaliland in ay gobolka mashaariic horumarineed ka fuliso, sida ugu dhakhsaha badan.”
Shirweynaha nabadda Ceerigaabo ayaa waxaa xusid mudan in aysan ka qeyb-gelin beesha Dhulbahante oo ka mid ah beelaha dega magaaladaas iyo gobolka Sanaag.
Shirkan ayaa marka laga imaado Somaliland, sidoo kale waxaa kaalin weyn ku lahaa maamulka Puntland oo Hargeysa kala shaqeeyay qabsoomida shirka iyo in la gaaro heshiis nabadeed oo saldhig u tahay in ammaanka gobolkaasi si buuxda ula wareegto Somaliland.
Hoos ka daawo muuqaalka