25.6 C
Mogadishu
Friday, October 24, 2025

Maamulka Waqooyi Bari oo diiday sii deynta maxaabiista Somaliland

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Maamulka Waqooyi Bari Soomaaliya ayaa shuruud adag ku xiray sii deynta maxaabiista Somaliland ee lagu qabtay dagaalladdi Laascaanood, xilli haatan ay soo baxeen dadaallo waa wayn oo la doonayo in lagu daayo maxaabiista xiran.

Guddoomiyaha Baarlamaanka Waqooyi Bari oo haatan ku sugan Muqdisho ayaa wareysi uu bixiyay ku sheegay in sii deynta maxaabiista ciidanka Somaliland ee ay gacanta ku hayaan ay ku xiran tahay in marka hore la gaaro heshiis nabadeed oo lagu soo afjarayo colaadda labada dhinac.

Aw-Xasan ayaa intaasi kusii daray in aysan suuragal ahayn in maxaabiista lasii daayo iyada oo aan heshiis rasmi ah laga gaarin dagaalladii ka dhacay Laascaanood.

Guddoomiyaha ayaa carrabka ku adkeeyay in qaa kamid ah maxaabiista xiran ay dambiyo culus ka galeen shacabka Laascaanood, loona baahan yahay in lagula xisaabtamo.

“Ma sii deynayno maxaabiis sabab la’aan. Qaar ka mid ah maxaabiista waxay ku lug leeyihiin dambiyo culus, waxaana suuragal ah in la horkeeno maxkamad si loogala xisaabtamo xasuuqii iyo barakacintii loo geystay shacabka Laascaanood,” ayuu yiri Aadan.

Waxaa kale oo uu guddoomiyuhu sii raaciyay “Inta Somaliland aaminsan tahay inay dhulkan xoog ku qabsan karto, ma suurtoobi karto in maxaabiis la kala wareego”.

Dhanka kale, Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Waqooyi Bari ayaa ku dhawaaqay is-difaac ka dhan ah Somaliland iyo Puntland, oo dhawaan heshiis ku gaaray magaalada Nairobi ee dalka Kenya, wuxuuna sheegay in labada maamul ay u heshiiyeen in ay wiiqaan Woqooyi Bari, isla markaana ay diyaar u yihiin inay iska difaacaan.

“Waqooyi Bari waa dhalatay, waa jireysa, waana joogta, Somaliland waa inay intaas aamintaa,” ayuu mar kale Guddoomiye Aadan ku yiri wareysiga cusub ee uu bixiyay.

Waxa uu intaas kusii daray “Culeys kasta oo yimaada, madaafiic ayaa lagu garaacay Laascaanood, markaas wax kasta difaac ayaa laga galayaa, oo xaqa ayaa guuleysanaya. Waqooyi Bari xaq ayey ku taagan tahay oo cidna ma dulmineyso.”

Heshiiska amni ee Somaliland iyo Puntland ayuu ku tilmaamay mid aan ka shaqeyn karin deegaanada maamulka Waqooyi Bari, maadaama labada dhinac “ay haatan wadaagin xuduud dhab ah.”

Si kastaba, Maamullada Puntland iyo Somaliland ayaa si weyn iskuugu soo dhawaaday kadib markii ay dowladda federaalka u dhaqaaqday dhismaha maamulka Waqooyi Bari, oo ay u aragto maamul ay uga adkaan karto maamulka uu hoggaamiyo Saciid Deni, oo muddo uu ka dhaxeeyay khilaaf siyaasadeed xooggan.

- Advertisement -

Read more

Local News