Hargeysa (Caasimada Online) – Dhismaha cusub ee xarunta weyn ee dhakhtarka Taiwan (Taiwan Medical Center) iyo casriyeynta cisbitaalka Hargeysa ayaa maanta si rasmi ah loo dhagax dhigay.
Mashruucan ballaadhan oo maal-gelinayso dowladda Taiwan ayaa waxaa dhagax dhigay Madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro. Mashruucan ayaa qayb muhiim ah ka qaadan doona horumarinta adeegyada caafimaadka ee guud ahaan dalka.
Munaasibadda dhagax-dhigga xarunta weyn ee Taiwan Medical Center ayey Somaliland ku tilmaamtay mid ka tarjumaysay saaxiibtinimada iyo iskaashiga qotada dheer leh ee ka dhexeeya labada dhinac ee Somaliland iyo Taiwan.
Somaliland iyo Taiwan oo muddooyinkii dambe xiriirkooda xoojiyay ayaa haatan si joogto ah uga wada shaqayn doona horumarinta caafimaadka, waxbarashada, tiknoolajiyadda iyo kobcinta xirfadaha iyo aqoonta qaybaha kala duwan ee ciidamada Somaliland.
Madaxweyne Cirro oo halkaas ka jeediyey khudbad dheer yaa dowladda iyo shacabka Taiwan ku ammaanay taageerada ay la garab taagan yihiin Somaliland, gaar ahaan mashaariicda horumarineed ee waxtarka u leh nolosha bulshada reer Somaliland.
Cirro ayaa sheegay in Taiwan ay tahay saaxiib weyn oo ay Somaliland leedahay oo la isu hallayn karo, isagoo tilmaamay in dhismaha dhakhtarka cusub ee Taiwan ay tahay calaamad muujinaysa saaxiibtinimada dhabta ah ee u dhaxaysa labada dhinac.
Wuxuu Taiwan ku bogaadiyay sida ay uga go’an tahay horumarinta caafimaadka iyo adeegyada kale ee waxtarka u leh nolosha bulshada Somaliland.
Dhakhtarka Taiwan iyo casriyeynta dakhtarka weyn ee Hargeysa ayuu sheegay inay noqon doonto xarun bixisa adeeg caafimaad oo tayo sare leh, taasi oo si weyn u yarayn doonta baahiyaha caafimaad ee Somaliland, isla markaana kor u qaadi doonta tayada adeegyada caafimaadka.
Dhinaca kale, Wasiirka, Wasiir-ku-xigeenka iyo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka ayaa si weyn ugu mahad-naqay dowladda Taiwan taageerada iyo maal-gelinta ay ku bixisay dhismaha cusub iyo casriyeynta dhakhtarka weyn ee Hargeysa.
Tan ayey ku tilmaameen tallaabo muhiim ah oo kor u qaadaysa adeegyada caafimaadka, isla markaana muujinaysa iskaashiga midho-dhalka ah ee u dhexeeya labada dhinac.
Sidoo kale, munaasibadda waxa iyaguna hadllo ka soo jeediyey Wasiirro, Guddoomiye Ku-xigeenkii 1-aad ee Golaha Wakiillada, Mayor-ka Caasimadda, Guddoomiyaha Gobolka M/jeex, Dr. Edna Adan, Agaasimaha Dhakhtarka weyn ee Hargeysa iyo marti sharaf kale, kuwaasi oo dhammaantood si weyn ugu mahad-naqay dowladda iyo dadka Taiwan maal-gelinta adeegyada caafimaadka ee Somaliland.
Wakiilka dalka Taiwan ee Somaliland, Alen Lou ayaa isna dhankiisa muujiyay sida ay diyaar ugu yihiin in ay sii wadaan taageerada ay u fidinayaan Somaliland, gaar ahaan dhinacyada caafimaadka, waxbarashada, tiknoolajiyadda iyo kobcinta iyo xirfadaha qaybaha kala duwan ee laamaha amniga maamulka.
Ugu dambeyntiina, Somaliland iyo Taiwan ayaa xaqiijiyay sii wadista wada shaqaynta iyo iskaashiga labada dhinac, gaar ahaan dhinacyada caafimaadka, beeraha, aqoonta tiknoolajiyadda iyo arrimaha dimuqraadiyadda.



















