25.4 C
Mogadishu
Thursday, October 30, 2025

DF Soomaaliya oo war cusub ka soo saartay go’aanka lacag ka dhigista kaarka NIRA

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Hay’adda Diiwaan-gelinta iyo Aqoonsiga Qaranka ee NIRA ayaa waqti dheeraad ah ku dartay xilliga rasmiga ah ee lacag laga dhigayo qaadashada Kaarka Aqoonsiga Qaranka oo muhiim u ah dadweynaha Soomaaliyeed.

NIRA ayaa hore u sheegtay in wixii ka dambeeya 31-ka bishaan October ee sanadkan qaadashada kaarka uu noqon doono adeeg lacag lagu bixiyo, balse haatan waxaa laga dhigay illaa bisha November.

“Waxaan rabnaa in fursad kale maanta ugu darno bulshada oo bisha November uu bilaash sii ahaan doono qaadashada kaarka aqoonsiga qaranka,” ayuu yiri Maareeyaha NIRA, Cabdiweli Timacadde oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho.

Go’aankan cusub ayaa imanaya xilli uu ciriiri badan ka jiro xarumaha qaadashada kaarka NIRA, isla markaana ay hay’addu qorsheynayso in waqtiyada shaqada ku darto habeenkii.

“Waxaa rabnaa si loo xoojiyo waqtiga shaqada in aan sameyno shift habeenkii ah, hadda hay’addu waxay shaqeysa 7-da subaxnimo illa Maqribkii, waxaan rabnaa in aan sameyno shift ka bilaabanaya Maqribkii illaa 12-ka habeennimo ” ayuu hadalkiisa sii raaciyay Maareeyaha NIRA.

Hay’addu weli ma sheegin inta ay le’eg tahay lacagta laga qaadayo qofka u baahan kaarkaan marka uu dhamaado waqtiga kooban ee ka haray muddada bilaashka lagu qaadanayo kaarka NIRA.

Kaarka Aqoonsiga Qaranka ayaa muhiim u ah muwaadinka, waxaana dhawaan dowladda Soomaaliya ay waajib ka dhigtay qaadashada kaarkan oo ay ku xirtay adeegyada hay’adaha dowladda iyo shirkadaha sida gaarka ah ee loo yahay, iyada oo fartay in aysan u adeegin qof aan wadan kaarka NIRA.

“Ciddii u adeegta qof aan waddan kaarka NIRA waxaan u arkaynaa inay wax u fududeysay Khawaarijta waana lala xisaabtamayaa,” ayuu yiri Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud oo horay ku dhawaaqay go’aanka lagu dhaqan-gelinayo kaarka NIRA.

Tallaabadan ayey dowladdu ku sheegtay mid qayb ka ah dadaalka qaran ee lagu doonayo in lagu casriyeeyo maamulka guud, laguna tayeynayo adeegyada bulshada, iyadoo lagu xoojinayo amniga, laguna xaqiijinayo in Soomaali kasta si sax ah loo aqoonsado loona diiwaan-geliyo.

- Advertisement -

Read more

Local News