28.9 C
Mogadishu
Wednesday, October 29, 2025

Dowladda Jarmalka oo ku dhowaaqday malaayiin dollar oo lagu maal-gelinayo Somalia

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Jarmalka ayaa ballanqaadday €75 milyan ($80 milyan) oo ay ku taageerayso horumarka bulshada iyo dhaqaalaha Soomaaliya labada sano ee soo socda.

Heshiiskan, oo Talaadadii magaalada Muqdisho ay ku kala saxiixdeen Wasiirka Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha Soomaaliya, Maxamed Cabdiraxmaan Beene Beene, iyo wakiillo ka socday Wasaaradda Federaalka Jarmalka ee Iskaashiga Dhaqaalaha iyo Horumarinta (BMZ), ayaa diiradda lagu saarayaa waxbarashada farsamada gacanta iyo tababarrada (TVET), maareynta kheyraadka biyaha, beeraha, iyo horumarinta reer miyiga.

Wasiir Beene Beene ayaa iftiimiyay in maalgelintani ay ka tarjumayso iskaashiga soo jireenka ah ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Jarmalka, kaasi oo soo taxnaa tan iyo 1961-kii, ayna la jaanqaadayso Qorshaha Isbeddelka Qaran ee Soomaaliya iyo dib-u-habeynta dhaqaale ee socota.

“Heshiiskan wuxuu hagi doonaa mashaariicda horumarineed ee labada sano ee soo socota. Anigoo ku hadlaya magaca dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed, waxaan dowladda iyo muwaadiniinta Jarmalka uga mahadcelinayaa taageeradooda joogtada ah ee ay ku horumarinayaan ajandaha horumarka Soomaaliya,” ayuu yiri Wasiir Beene Beene.

Qaab-dhismeedkan cusub ee iskaashiga ayaa qayb ka ah wadatashiyada horumarineed ee laba-sanadlaha ah ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Jarmalka, kuwaasi oo loogu talagalay in dib loogu eego mashaariicda socda lana dejiyo mudnaanaha maalgashi ee cusub.

Mashaariicdii hore ee uu Jarmalku taageeray ayaa diiradda saarayay waxbarashada, tababarrada xirfadaha, tamarta dib loo cusboonaysiin karo, iyo dib-u-habeynta maamulka dadweynaha.

Mas’uuliyiinta ayaa xaqiijiyay in lacagaha la ballanqaaday si degdeg ah loo bixin doono si loo dardargeliyo mashaariicda socda looguna taageero fulinta labada sano ee soo socota.

Wasiir Beene Beene wuxuu ku nuuxnuuxsaday in heshiiskani uu gacan ka geysan doono sidii loo hubin lahaa in kheyraadka deeq-bixiyeyaasha la waafajiyo mudnaanaha horumarineed ee qaranka Soomaaliya, uuna si toos ah uga qayb qaadan doono korriin waara iyo horumar bulsho.

- Advertisement -

Read more

Local News