Muqdisho (Caasimada Online) — Warbixin iyo caddeymo cusub, oo ay ku jiraan muuqaallo, ayaa ku eedeeyey in dalka Isutagga Imaaraadka Carabta uu xarun hub ku leeyahay Soomaaliya, gaar ahaan magaalada dekadda ah ee Boosaaso ee Puntland.
Warbixintu waxay sheegtay in Imaaraadka uu xaruntan u adeegsado goob si qarsoodi ah looga sii gudbiyo hub, saanad culus, iyo calooshood-u-shaqaystayaal loo dirayo ciidanka Taageerada Degdegga ah (RSF) ee ku jira dagaalka sokeeye ee Sudan.
Baaritaan ay samaysay warbaahinta Middle East Eye oo soo xiganaya ilo maxalli ah, xogta duulimaadyada, iyo sawirro dayax-gacmeed, ayaa faahfaahiyay hab taxane ah oo hawlgallo qarsoodi ah loo fuliyay.
Eedeymahan ayaa soo baxaya xilli ay ciidanka RSF wajahayaan eedeymo cusub oo ku saabsan gabood-fallo baahsan. Ciidankan ayaa toddobaadkan qabsaday El-Fasher, oo ah caasimadda Waqooyiga Darfur, kaddib go’doomin socotay 18 bilood.
Tan iyo bishii Abriil 2023, dagaalka Sudan wuxuu abuuray dhibaatadii barakaca ee ugu weyneyd adduunka, wuxuuna horseeday in dowladda Mareykanku ay si rasmi ah u go’aamiso in ciidanka RSF ay galeen xasuuq.
Dagaalka Sudan wuxuu u dhexeeyaa ciidanka RSF, oo uu hoggaamiyo General Mohamed Hamdan Dagalo, iyo Ciidanka Qalabka Sida ee Sudan (SAF). Sida ay sheegtay Qaramada Midoobay, colaaddan waxaa ku dhintay tobanaan kun oo qof, waxaa ku barakacay in ka badan 14 milyan oo qof, waxayna qaybo dalka ka mid ah gelisay macluul.
Bishii Janaayo 2025, dowladda Mareykanka ayaa si rasmi ah u go’aamisay in ciidanka RSF ay xasuuq ka geysteen gobolka Darfur.
Waddo sahay oo qarsoodi ah
Warbixinta Middle East Eye waxay tilmaantay duulimaadyo joogto ah oo ay diyaaradaha waaweyn ee xamuulka ee IL-76 ku yimaadaan garoonka Boosaaso. Taliye sare oo ka tirsan Ciidanka Booliska Badda Puntland (PMPF), oo codsaday inaan magaciisa la shaacin, ayaa u sheegay Middle East Eye in xamuulka “isla markiiba lagu wareejiyo diyaarad kale… taasoo u socota… ciidanka RSF ee Sudan.”
Sidoo kale, waxaa la sheegay in dhoofinta dhinaca badda ay kabto isku-xirka cirka ah. Maamule sare oo ka shaqeeya dekadda Boosaaso ayaa u sheegay Middle East Eye in in ka badan 500,000 oo konteenar oo ku calaamadsan “khatar” ay ka yimaadeen Imaaraadka Carabta labadii sano ee la soo dhaafay.
Shixnadahan waxay soo gaareen iyagoon lahayn faahfaahin ku saabsan meesha ay ka yimaadeen ama halka ay u socdeen, waxayna ku jireen sir weyn, waxaana si degdeg ah loogu wareejinayay garoonka diyaaradaha iyadoo si adag loo ilaalinayo. “Waxay ahayd kaliya meel la sii marsiiyo,” ayuu yiri maamulaha.
Ilo wareedyo ayaa u sheegay Middle East Eye in saadka ay ku jiraan diyaaradaha aan duuliyaha lahayn (drones) ee lagu sameeyo dalka Shiinaha, kuwaasoo qayb ka ah hawlgal ballaaran oo Imaaraadku ka wado gobolka.
Imaaraadka Carabta ayaa muddo dheer maalgelinayay ciidanka PMPF, iyadoo ujeeddada la sheegay ay ahayd la dagaallanka burcad-badeedda. Si kastaba ha ahaatee, askar ka tirsan PMPF ayaa u sheegay baarayaasha in shixnadaha soo socda ay yihiin “kuwo waaweyn oo ka baxsan baahiyahooda” aysanna tagin xeryahooda.
Imaaraadka Carabta wuxuu saldhigyo silsilad ah ka sameystay guud ahaan Geeska Afrika, oo ay ku jiraan xarumo ku yaalla Yemen iyo Somaliland. Sidaas darteed, tani waxay siisay kantarool istaraatiiji ah oo ku aaddan Gacanka Cadmeed.
Warbixinta Middle East Eye waxay ku eedeyneysaa in xarunta hubka ee Imaaraadka ee Soomaaliya ay tahay xudun muhiim ah oo shabakaddan ka tirsan, waxayna sheegtay in Imaaraadku uu ku ilaaliyo nidaam raadaar militari ah oo ku yaal garoonka Boosaaso.
Dowladda Imaaraadka iyo maamul goboleedka Puntland midkoodna kama uusan jawaabin codsi ay Middle East Eye uga dalbanaysay inay arrintan ka hadlaan. Horay, Imaaraadku wuxuu beeniyay inuu maalgeliyo ciidanka RSF.
Calooshood-u-shaqaystayaal Colombian ah oo Soomaaliya jooga
Dhinaca kale, warbixintu waxay sidoo kale sheegtay in garoonka Boosaaso ay ku taallo xero gaar ah oo ay deggan yihiin calooshood-u-shaqaystayaal Colombian ah oo ku lug leh dagaalka Sudan.
Taliyihii PMPF ayaa xaqiijiyay joogitaankooda, wuxuuna u sheegay Middle East Eye: “Haa, waa calooshood-u-shaqaystayaal Colombian ah oo tiro badan kuwaasoo ka hawlgala halkan.”
Ciidankan ayaa la sheegay inay ku yimaadaan diyaarado ganacsi, ayna u sii gudbaan Sudan si ay ula dagaallamaan ciidanka RSF. Waxaa la soo warinayaa in xerada uu ku jiro isbitaal cusub oo lagu daweeyo dagaalyahannada dhaawaca ah ee laga soo daadgureeyo Sudan.
“Waxaan xusuustaa hal mar oo ay soo degtay diyaarad siday askar dhaawac ah… albaabka diyaaraddana waxaa si muuqata uga bidhaamayay dhiig,” ayuu yiri sarkaalka PMPF.
Hawlgalkan ayaa iftiiminaya xiriirka isku-murugsan ee ka dhexeeya Imaaraadka Carabta iyo Soomaaliya.
Dowladda federaalka ee Muqdisho ayaa maamusha hawada Soomaaliya, balse si cad ugama hor imaan Abu Dhabi oo ku saabsan dhaq-dhaqaaqyada ay ka waddo Puntland, oo ah maamul goboleed. Dad badan ayaa u arka Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni, inuu yahay saaxiib dhow oo Imaaraadka Carabta uu leeyahay.
Falanqeeyayaasha ayaa ka digay in hawlgalkan uu khatar ku yahay xasillooni gobolka. “Puntland waxay weli ka mid tahay meelaha adduunka ugu yar ee la baaro ama lala socdo,” ayuu Middle East Eye u sheegay Martin Plaut, oo ah aqoonyahan ku takhasusay arrimaha Geeska Afrika.
Wuxuu xusay in fududeynta xarunta hubka Imaaraadka ee Soomaaliya ay ka dhigan tahay “in maamulka Puntland ay ku lug yeelan karaan” dambiyo dagaal.
Xogtan ayaa soo shaac baxaysa xilli Maxkamadda Dambiyada Caalamiga ah (ICC) ay waddo baaritaan ku salaysan “sababo macquul ah oo la aamini karo” oo muujinaya in dambiyo dagaal iyo kuwo ka dhan ah aadanaha laga geysanayo gudaha Sudan.
Askar ka tirsan ciidanka PMPF ee deegaanka ayaa muujiyay dareen walaac leh, iyagoo ka cabsi qaba in hawlgalku uu taageerayo gabood-fallo ka dhan ah qaran saaxiib la ah.

