25.3 C
Mogadishu
Sunday, November 2, 2025

War cusub oo kasoo kordhay go’aanka Itoobiya ee helista bad

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Addis Ababa (Caasimada Online) – Itoobiya oo muddo dheer ahayd dal xeeb la’aan ah ayaa mar kale muujisay sida ay ugu hanqal taagayso helitaanka marin-badeed, iyadoo hoggaankeeda milatari uu si adag u muujiyey dareenka ay ka qabaan xaaladdan.

Field Marshal Birhanu Jula, Taliyaha Guud ee Ciidanka Difaaca Qaranka Itoobiya, ayaa sheegay in aanay caddaalad ahayn in ummad tiradeedu sii kordhayso aysan lahayn marin-biyood ay si xor ah ugu tiirsanaan karto.

Isagoo ka hadlayay Addis-Ababa, Field Marshal Birhanu wuxuu yiri: “Dadkayagu hadda waa 130 milyan, waxaana la filayaa in ay gaaraan 200 milyan 25 sano gudahood. Sidee baa danaha 200 milyan qof loogu hor istaagi karaa laba milyan oo keliya dartood? Taasi ma aha mid caddaalad ah, mana waafaqsana sharciga caalamiga ah.”

Taliyaha ayaa ku eedeeyay cadowyo taariikhi ah in ay Itoobiya ka xannibeen marin-badeed, isaga oo qirtay in ay jireen khaladaad gudaha ah oo qayb ka ahaa xaaladda hadda jirta.

Wuxuu sheegay in Itoobiya ay go’aansatay in ay xoojiso awooddeeda difaaca, dardargeliso horumarka gudaha, isla markaana ay dadaal kasta u gasho sidii ay dalka ugu heli lahayd marin-badeed rasmi ah oo joogto ah.

Hadalladiisa ayaa sii xoojinaya kuwii dhowr maalmeed ka hor ka soo yeeray ra’iisul wasaare Abiy Ahmed ee uu ku beeniyey taariikhdii iyo heshiiskii ay Eritrea kaga go’day Itoobiya ee dalkaas ka dhigay bad-la’aan.

Ra’iisul Wasaare Abiy Ahmed ayaa Talaadadii sheegay in “aysan jirin diiwaan rasmi ah ama go’aan hay’adeed” oo caddaynaya sida Ethiopia ay ku weyday marin-badeedkeedii. Wuxuu ku tilmaamay xaaladda dalka ee ah inuusan bad lahayn “arrin masiiri ah” oo ay waajib tahay in si nabad ah lagu xalliyo.

Isagoo kula hadlayay xildhibaannada magaalada Addis Ababa, Oktoobar 28, 2025, Abiy wuxuu ku dooday in aysan jirin hay’ad Itoobiyaan ah oo si rasmi ah u ansixisay arrintaas.

“Haddii uusan shacabku ogayn, uusan baarlamaankuna ogayn… haddaba, waa kuma cidda go’aanka qaadatay?” ayuu Abiy is-weydiiyay. “Ma heli karno hal dukumeenti oo qura oo ku saabsan arrintan.”

Itoobiya waxay noqotay waddan aan bad lahayn sanadkii 1993-kii markii ay Eritrea xornimadeeda qaadatay kaddib dagaal 30 sano socday iyo afti ay kormeertay Qaramada Midoobay, sida ku cad diiwaannada taariikhiga ah. Lumitaanka marin-badeedka ayaa dalka ka reebay xeebtiisii hore, oo ay ku jiraan dekedaha muhiimka ah ee Massawa iyo Assab.

- Advertisement -

Read more

Local News