27.9 C
Mogadishu
Saturday, November 1, 2025

Nin kasoo goostay kooxda Al-Shabaab oo xog bixiyay

Bookmark
Bookmarked

Share

Baydhaba (Caasimada Online) – Cabdifataax Aadan Isgoowe oo horay uga tirsanaa kooxda Al-Shabaab ayaa maanta isku soo dhiibay ciidamada Hay’adda Nabad-sugidda iyo Sirdoonka Koonfur Galbeed ee ku sugan magaalada Baydhaba ee xarunta gobolka Baay.

Ninkan ayaa si gaar ah uga tirsanaa qeybaha jabhada, gaadiidka, caafimaadka, waxaana uu kasoo shaqeeyay meelo kala duwan, sida ay shaacisay Koonfu Galbeed.

Cabdifitaax oo la wareystay ayaa sidoo kale bixiyay xog culus, isaga oo ka shakeeyay waxa ka jira gudaha kooxda ee uu muddada dheer ka tirsanaa, waxaana uu hoosta ka xariiqay in in haatan Shabaab ay wajaheyso xaalad adag iyo culeys uga imaanaayo howlgallada socda.

Sidoo kale wuxuun intaasi ku darah in Khawaarijta ay dhibaatooyin u geysanayaan dadka shacabka ah ee aan waxba galabsan taasina ay ku qasabtay in uu isaga soo tago.

Horay waxaa sidaan oo kale isku soo dhiibay xubno ka tirsanaa Al-Shabaab oo gaaray Baydhaba, waxaana ugu dambeeyay 10 xubnood oo dhawaan uun lasoo bandhigay.

Raggaas ayaa kooxda u qaabilsanaa dhanka jabhadaha weerarada geysta, sida ay horay u shaacisay Hay’adda Nabad-sugidda ee dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Gobollada Baa iyo Bakool ayaa kamid ah meelaha ay ku xoogan tahay kooxda Al-Shabaab, waxaana weeraro iyo qaraxyo ay ka fulisaa deegaanada maamulkaasi.

Si kastaba, waxaa haatan ka socda howlgallo culus oo ka dhan ah Khawaarijta, kuwaas oo si weyn looga dareemay maamul-goboleedyada Jubbaland, Koonfur Galbeed, HirShabelle iyo Galmudug.

- Advertisement -

Read more

Local News