25.8 C
Mogadishu
Friday, January 2, 2026

Muxuu yahay shirka uu maanta R/W Xamza ka furay Muqdisho? + Sawirro

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamza Cabdi Barre ayaa maanta furay Shirka Madasha Hab-maamulka Internet-ka (Somali Internet Governance Forum).

Ra’iisul Wasaaraha ayaa carrabka ku adkeeyey muhiimadda uu leeyahay in shirkan ay ka soo baxaan qodobo wax ku ool ah oo lagu horumarin karo maamulka iyo nidaamka isticmaalka Internet-ka ee dalka.

Xamza ayaa sheegay in Soomaaliya looga baahan yahay in ay la jaanqaaddo dalalka kale ee caalamka, kuwaas oo nidaam iyo sharci cad u dejiyey isticmaalka Internet-ka, si looga hortago xadgudubyada iyo falalka ka baxsan anshaxa dijitaalka ah.

“Shirka Madasha Hab-maamulka Internet-ka, waa in ay ka soo baxaan qodobbo wax ku ool ah oo aan la tagi karno shirarka caalamiga ah ee tiknoloojiyadda looga hadlayo,” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Xamza

“Dalalka dunida Internet-ka waa la nidaamiyey, iskama isticmaali karaan, waxaa loo sameeyey sharciyo qofkii ku xadgudba uu dambiile noqonayo, dadkeennu nasiib darro waxa ay u isticmaaleen si ka duwan sida caalamku u isticmaalo, waana waajib in arrintan wax laga beddelo.” ayuu hadalkiisa sii raaciyay Ra’iisul Wasaaraha.

Mudane Xamza ayaa tilmaamay muhiimadda ay leedahay ilaalinta midnimada qaranka, isaga oo ku booriyey dhammaan shacabka iyo shirkadaha gaarka loo leeyahay in ay ka wada shaqeeyaan horumarinta dalka iyaga oo dhowraya danta guud.

Sidoo kale wuxuu ugu baaqay shirkadaha Internet-ka in ay si caddaalad ah ugu wada faa’iideeyaan bulshada, kana fogaadaan tartan aan faa’iido u lahayn horumarka guud ee dalka.

Ugu dambeyn, Ra’iisul Wasaaraha ayaa xusay in xukuumadda Dan-Qaran ay sii xoojin doonto dadaallada lagu dhisayo sharciyo iyo hannaan casri ah oo lagu maamulo Internet-ka, si loo hubiyo amniga dijitaalka ah, xuquuqda isticmaalayaasha, iyo horumarinta dhaqaalaha dhijitaalka ah ee dalkeenna.

- Advertisement -

Read more

Local News