Kyiv (Caasimada Online) – Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa maanta qaaday tallaabo culus oo la xiriirta Ukraine, kadib markii ay safiir cusub u dirtay dalkaasi, kaas oo uu waraaqadaha aqoonsiga ka guddoomay Madaxweyne Volodymyr Zelenskyy.
Danjire Maxamed Cabdullahi Axmed oo horay u ahaa safiirkii Soomaaliya ee dalka Serbia ayaa haatan loo diray Kyiv, si uu uga shaqeeyo xiriirka labada dal.
“Safiirka cusub ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u fadhin doono dalka Ukraine, Mudane Maxamed Cabdullaahi Axmed, ayaa maanta waraaqaha aqoonsiga safiirnimo u gudbiyay Madaxweynaha dalka Ukraine, Mudane Volodymyr Zelenskyy” ayaa lagu yiri qoraal ay daabacday warbaahinta dowladda.
Sidoo ale Madaxweyne Zelenskyy ayaa si weyn ugu mahadceliyay Soomaaliya, waxana uu bogaadiyay xiriirka wanaagsan ee ka dhaxeeya labada dal.
Arrintan ayaa dhalisay falcelin xooggan, waxaana siyaabo kala duwan uga hadlay qaar akmid ah dadweynaha Soomaaliyeed, maadaama tallaabadan ay kusoo aaday, xilli haatan Ukraine uu ka socda dagaal ba’an oo ay kula jirto dowladda Ruushka.
Cismaan Cabdiraxmaan Maxamed: “Xiriirka Soomaliya iyo Ukraine ka dhaxeeyo maxuu yahay?”.
Axmed Saalax: “Waxan soo xusuustay lax dhukan col & abaar moog. Dowlada Somalia ma waxay halmaantay inu dagaal socdo”.
Cabdifitaax Xeego: “Dowladdeenna dheri qiiqaaya ee laf kala baxday”.
Cabdikariin Saciid: “War waa wareernay meel aan irsaaqad laga raadin ayaan faraha la galnay”.
Cabdi Cabdullaahi Cabdi: “Safiirka Ukraine loo diraayo malaha karfantiisa horey buu usii qaatay”.


