New York (Caasimada Online) – Zohran Mamdani, wuxuu noqday maayirkii ugu horreeyey ee Muslim ah, ugu da’ yaraa, uguna dhawaangalsanaa dalka Maraykanka.
Sannad ka hor, markii uu Zohran u istaagay ololaha doorashada waxay taageeradiisu ahayd 1%. Lama aqoon, wuxuu ahaa 34-jir ka soo haajiray Uganda, oo dhalashada Maraykanka qaatay sannaddii 2018.
Waxa intaa dheeraa, in uusan hore xil u soo qaban, xoolana u haysan. Waxa si mayal adag u diiddanaa hantiilayaasha ugu lacagta badan adduunka ee New York deggen, warbaahinta, loobbiga Yuhuudda, madaxweyne Trump iyo guurtida ay ka go’do talada Xisbiga Jamhuuriga iyo kan Dimuqraaddiga intaba.
Jeebkiisu wuu marnaa, mana uusan haysan deeqbixiyayaal waaweyn oo garab istaaga. Waxa la iswayddiin karaa sidee ayuu kaga tallaabsaday dhammaan caqabadahaas, kuna jiiray xoogaggii waaweynaa ee isku dayey in ay hor istaagaan?
Haddii aan furfurno wayddiintan waxaan oran karnaa:
Tan koowaad: ka go’naansho han iyo ka miradhalin hadaf, taas oo lagu kabay iimaan iyo kalsooni sugan. Ma uusan qarsan Islaannimadiisa iyo aydhiyoolojiyaddiisa sooshalista ah, sida oo kalana lama uusan gabban mawqifkiisa ku aaddan dagaalka Qasa ee Falsatiin.
Tan labaad: ma uusan eegin caqabadaha waaweyn ee ku horgudban, ee wuxuu si qumman u eegay fursadaha hortiisa yaalla ee uu ka faa’iidaysan karo.
Awoodda ayuu u fahmay in ay tahay isu geynta aqoonta, xirfadda, waqtiga iyo tamarta, iyada oo lagu abaabulay qorshe degsan, oo looga faa’iideysanayo tiknoolojiyadda casriga ah ee warbaahinta baraha bulshada, taas oo maanta ah isha ugu muhiimsan ee adduunweynuhu la socdo.
Tani waxay caddayn u tahay in dad abaabulan ay ka awood badan yihiin dhaqaale iyo awood kasta oo jirta. Wuxuu jebiyey derbi ku gudbanaa dad badan oo han leh. Laakiin ka baqa awoodaha ay haystaan maalqabeennada, warbaahinta iyo guurtida xisbiyada siyaasadda.
Waxay kale oo caddayn u tahay in Maraykanka uu yahay dhulkii fursadaha, oo adiga oo dhawaangal ah, waxna haysan, horana xil muuqda u soo qaban aad xukumi karto magaalo miisaaniyaddeedu tahay $115Bilyan iyo 300,000 oo shaqaale ah.
Mamdani waa daahiro cusub oo xisbiyada dalka Maraykanka ka jira iyo xoogagga kale ee siyaasadda saamaynta ku leh ay dersi doonaan ka hor dooroshooyinka soo socda.
Mamdani iyo wiilka isirkiisu Soomaaliga yahay ee u tartamayey Maayarka magaalada Minneapolis waa isku jiil, xisbi iyo garab, isku aagna way kaga qornaayeen doorashada. Faatax, waxaan u rejaynayaa in uusan hankiisa jabin, ruuxdiisuna liicin, oo dadaalka iyo kartida shakhsiga ah uu halkaas ka wado.
W/Q: Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame

