28.5 C
Mogadishu
Friday, November 7, 2025

Xog: DF oo xannibaaddii dhaqaale ka qaaday Jubaland iyo arrinta ka dambeysa

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamza Cabdi Barre ayaa shalay u fasaxay Dowlad-goboleedka Jubaland kabka miisaaniyadeed ee ka iman jiray Dowladda Federaalka oo muddo xayirnaa, sida ay sheegeen ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay.

Sida aan xog ku helnay, Xamza ayaa amray in Jubaland loo wareejiyo lacag dhan $5.5 milyan oo muddo ka xannibnayd kaddib khilaafkii ka dhashay doorashada Axmed Madoobe ee dhammaadkii sannadkii 2024-kii dhacay.

Wasaaradda Maaliyadda iyo Bangiga Dhexe ee Dowladda ayaa la faray inay lacagtaas gaarsiiyaan Jubaland, waana saamiga ay Jubaland ka heshay deeqda Bangiga Adduunka iyo Midowga Yurub ee taageerada shaqo-socodsiinta iyo miisaaniyadda Dowladda Federaalka ah iyo xubnaha dowladeed ee ka tirsan.

Midowga Yurub iyo Bangiga Adduunka waa laba ka mid ah ilaha taageero dhaqaale ee Soomaaliya. Maalmo ka hor, Bangiga Adduunka ayaa Soomaaliya ka daah-furay mashruuc cusub oo lagu abuurayo 28,000 oo shaqo oo loogu talagalay dhallinyarada, isla markaana lacag caddaan ah lagu siinayo 123,000 oo qoys oo baylah ah. Guud ahaan, mashruucan ayaa higsanaya inuu caawiyo ilaa 738,000 oo qof.

Mashruucan oo ku kacaya $112 milyan, looguna magac daray “Horumarinta Fursadaha iyo Natiijooyinka Daryeelka Bulshada iyo Shaqaaleynta Dhallinyarada (BOOST-You),” ayaa loogu talagalay inuu Soomaaliya ka caawiyo inay ka gudubto gargaarka degdegga ah una wareegto hannaan daryeel bulsho oo joogto ah oo ay dowladdu maamusho.

Xayiraadda laga qaaday Jubaland ayaa imaanaysa toddobaadyo kaddib markii ay fashilmeen wada-hadallo Kismaayo ku dhex maray Madaxweyne Xasan Sheekh iyo hoggaamiyaha Jubaland Axmed Madoobe, inkasta oo weli ay jirto rajo ah in dib loo wada fariisto.

Wararka qaar ayaa sheegaya in Madaxweyne Xasan Sheekh uu ku laaban doono Kismaayo. Safarkan labaad ee Madaxweyne Xasan Sheekh uu ku tagayo Kismaayo ayaa la sheegayaa inuu u badan yahay in uu heshiis ka keeno; hase yeeshee lama oga nooca heshiiskaas uu noqonayo.

Xog aan helnay ayaa sheegaysa inuu jiro qorshe labo sano oo muddo-xileed ah oo Axmed Madoobe la siinayo, iyo qabashada doorashada qof iyo cod ee golayaasha deegaanka in laga qabto Kismaayo iyo deegaanada kale ee Jubaland.

Haddii taas ay dhacdo, waxay ka dhigan tahay in Axmed Madoobe uu dhammaystiri doono muddo-xileedkiisa afarta sano ah, maadaama horey u dhammaatay hal sano. Waxaa sidoo kale suurtagal ah in uu kursiga uga sii dambeeyo Xasan Sheekh, oo doorasho wajahaya May 2026-ka.

Qorshaha shirka uu madaxweynuhu Kismaayo la tagayo ayaa la sheegay inay wax ka ogyihiin dowladaha deriska ah ee galaangalka ku leh arrimaha Jubaland, kaddib safarradii uu dhawaan ku tagay Addis Ababa iyo Nairobi.

- Advertisement -

Read more

Local News