28.2 C
Mogadishu
Saturday, November 8, 2025

War ka cusub markabkii ay qabsadeen burcad-badeedda SOOMAALIDA

Bookmark
Bookmarked

Share

Boosaaso (Caasimada Online) – Koox Soomaali ah oo shalay qabsatay markabka Hellas Aphrodite ayaa hadda la xaqiijiyay inay isaga degeen markabka.

Kooxda ayaa ka degtay markabka kadib markii ay ku guul-darreysteen inay furaan albaabada ay isku xireen 24 shaqaale ah oo markabka la socday, kuwaas oo isku soo xiray qolal amni ah.

Warar maxalli ah ayaa sheegaya in mid ka mid ah kooxdan uu ku dhaawacmay rasaas ay isku dayayeen inay ku furaan albaabada qolalka ay isku xireen shaqaalaha, taas oo dib ugu soo laabatay dhankooda.

Howl-galka ATALANTA ee ka hortagga weerarrada burcad-badeedda ayaa sidoo kale xaqiijiyay in kooxda markabka qabsatay ay isaga degeen si iskood ah, ayna badqabaan dhammaan shaqaalaha markabka Hellas Aphrodite.

Si kastaba, howl-galka ayaa ka digay in kooxdan ay adeegsanayaan doonyo awood u leh inay gaaraan meelo ka baxsan biyaha caalamiga ah, taas oo suuragal ka dhigaysa inay weerarro kale fuliyaan.

Markabka ay kooxdu isaga degtay, oo ku safrayay calanka jasiiradda Malta ayaa siday shidaal uu ka soo qaaday Hindiya, wuxuuna u waday dalka Koonfur Afrika.

Weerarka ayaa dhacay xilli uu markabku marayay meel qiyaastii 1,000KM u jirta xeebaha Soomaaliya. Goobtan ayaa hore loogu diiwaangelin weerarro noocan oo kale ah, maadaama ay aad uga fog tahay biyaha Soomaaliya oo la tixgeliyo inay khatar yihiin.

Dhacdadii ugu dambeysay ee la barbar dhigi karo ee markab la koray oo gobolka ka dhacday waxay ahayd bishii May 2024, markaasoo burcad-badeed la tuhunsan yahay ay koreen markabka Basilisk ee sita calanka Liberia, oo joogay meel qiyaastii 380 mayl-badeed bari ka xigta Muqdisho.

Ciidanka badda ee Midowga Yurub ayaa markii dambe soo badbaadiyay 17-kii xubnood ee shaqaalaha ka dib markii ay xarig ugu degeen markabkaas.

Maalintii Isniinta, dhacdadii ugu horreysay ee lala xiriiriyo burcad-badeed Soomaali ah oo nooceeda ah tan iyo 2024, ayaa dabley hubeysan waxay weerareen booyad ganacsi oo ku sugnayd meel ka baxsan xeebta u dhow caasimadda Muqdisho, iyagoo rasaas ku furay markabka kaddib markii ay isku dayeen inay koraan, sida ay sheegeen ilo dhinaca badda ah.

Ilo ku xeel dheer amniga badda ayaa sheegay in burcad-badeeddu ay toddobaadkan sidoo kale la wareegeen doon kalluumeysi oo Iiraan ay leedahay si ay ugu isticmaalaan ‘hooyo-markab’ (mothership) ay ka soo qaadaan weerarrada.

Afduubkii ugu dambeeyay wuxuu dhacay bishii Diseembar 2023, markaasoo markabka Ruen ee sitay calanka Malta ay dabley qabsadeen kuna kaxaysteen xeebaha Soomaaliya, ka hor inta aysan ciidamada badda ee Hindiya xoreyn shaqaalihii isla markaana aysan xirin kooxdii weerarka geysatay.

Kooxaha burcad-badeedda Soomaalida ayaa ahaa kuwo aan si weyn u firfircoonayn sannadihii la soo dhaafay, kaddib markii ay hore khatar weyn ugu hayeen agagaarka Gacanka Cadmeed iyo Badweynta Hindiya.

Maleeshiyada Xuutiyiinta Yemen ee gacan saarka la leh Iiraan ayaa khatar ka weyn ku hayay maraakiibta maraya Badda Cas, oo ku shubanta Gacanka Cadmeed, tan iyo markii ay kooxdu bilowday weerarrada ka dhanka ah maraakiibta ganacsiga bishii Nofeembar 2023, iyagoo taageero u muujinayay Falastiiniyiinta ku aaddan dagaalka Israel ee Gaza.

Inkasta oo Xuutiyiintu ay oggolaadeen heshiis ay ku joojinayaan beegsiga maraakiibta xiriirka la leh Mareykanka, haddana shirkado badan oo maraakiibta ah ayaa weli ka walaacsan inay dib u bilaabaan safarradii ay ku mari jireen biyahaas.

- Advertisement -

Read more

Local News