Garoowe (Caasimada Online) – Madaxweyne Ku-xigeenka Dowlad-goboleedka Puntland, ahna haatan ku simaha Madaxweynaha Ilyaas Cismaan Lugatoor oo ay weheliyaan xubo ka tirsan Golaha Wasiirrada ayaa maanta soo saaray qayladhaan culus, kadib xaalad bani’aadanimo oo kasoo korortay maamulkaasi.
Lugatoor ayaa shaaca ka qaaday in Puntland ay soo foodsaartay xaalad abaareed, taasi oo saamaysay ku dhowaad hal milyanoo qof oo ku nool dhammaan gobollada Puntland.
“Mudanayaal iyo Murwooyin, anigoo ah kus-simaha Madaxweynaha ahna Madaxweyne ku-xigeenka Dowladda Puntland Mudane Ilyaas Cismaan Lugatoor, waxaan halkaan ka dirayaa maanta oo ay taariikhu tahay Sabti, 8-da, November, 2025 Qaylo-dhaan ku saabsan in Puntland ay soo food saartay xaalad Abaareed oo aad u darran oo saameysay ku dhawaad hal milyan oo qof, kuwaas oo ku nool qaybo ka mid ah Gobollada ee Mudug, Nugaal, Sool, Cayn, Sanaag, Haylaan, Bari, Karkaar iyo Raasicasayr” ayuu yiri Madaxweyne ku xigeenku.
Puntland ayaa banaanka ah soo saartay ku sheegtay in abaartan ay sabab u tahay isbeddelka cimilada iyo roobabkii oo ku yimid hakad afar xilli oo xiriir ah, taas oo keentay in dhulka intiisa badan uusan helin roob ku filan muddo labo sano ah.
“Abaartan oo aan horay loo arag ayaa ka dhalatay Isbeddellada Cimilada oo sababay in ay yaraadeen roobabkii la filaayey afartii xilli-roobaad ee la soo dhaafay, taas oo ka dhigan in aysan deegaannada Puntland helin roobab ku filan labadiisano ee u danbaysey, sida ku cad saadaasha ay sameeyeen Xarunta Maareynta Khayraadka Biyaha iyo Dhulka Puntland (IMC), Xarunta Maareynta Macluumaadka Biyaha iyo Dhulka Soomaaliya (SWALIM) iyo Xarunta Saadaasha iyo Isbedelka Cimilada IGAD (ICPAC) isla markaana laga soo xigtay Wasaarada Deegaanka iyo isbeddelka Cimilada Puntland ayaa tilmaamaysa in xaddiga roobabka ka da’aya deegaanada Puntland ay ka hoosayndoonaan Min-qiyaaskii caadiga ahaa ee la filaayey xilli-roobaadka Gu’ga iyo Dayrta” ayaa mar kale lagu yiri war-saxaafadeedka.
Sidaa daraadeed, Waxaa xaalad hubanti la’aan cunto iyo biyo soo food-saartay 940,000 oo qof, halka ay ku jiraan iminka 130,000 oo qof xaalad daran oo deg deg ah una baahan in lagaga jawaabo si dhakhso ah. Sida ay muujinayso Xogta la ururiyey in ka badan 310,770 caruur ah oo da’doodu ka yartahay shan (5) sano ayaa la ildaran xaalad nafaqadarro ah, kuwaas oo ku sugan Gobollada Puntland. Sidoo kale, 360,000 oo ka mid ah Barakacayaasha Gudaha oo ku firirsan dhammaan Gobolladda Puntland oo 70% ku tiirsanaa miyiga ayaa wajahaya xaaladda adag, halka 50,000 oo hor leh ay ka soo xeroodeen miyiga, si ay u helaan biyo iyo cunto.
Sidoo kale, waxaa lasii raaciyey “Haddaba, si aan uga jawaabo xaaladda abaarta, waxaan halkaan kaga dhawaaqayaa in ay dhammaan Wasaaradaha, Hay’adaha Caalamig ah iyo kuwa maxaliga ahi ee ay khusayso xaaladda abaartu isugu yimaaddaan shir maalinta Isniinta ah oo ay taariikhdu ku began tahay 10ka November, 2025, subaxdii saddex saac (9:00AM),goobtuna waa hoolka shirarka ee Madaxtooyada.”



