28.2 C
Mogadishu
Sunday, November 9, 2025

Xogta dagaal ka dhex-qarxay ciidanka dowladda iyo maleeshiyo hubeysan

Bookmark
Bookmarked

Share

Matabaan (Caasimada Online) – Warar kala duwan ayaa kasoo baxay dagaal maanta ka dhacay qaybo kamid ah gobolka Hiiraan, kaas oo u dhexeeyay ciidamada dowladda iyo maleeshiyaad hubeysan oo ku sugan duleedka degmada Matabaan ee gobolkaasi.

Dagaalka oo muddo socday ayaa yimid, kadib markii maleeshiyaadku ay weerareen barkoontarool oo ku taalla deegaanada Dhisiqa oo hoostaga degmadaasi, waxaana kadib sidaas ku qarxay dagaalka dhex-maray labada dhinac oo sababay dhimasho iyo dhaawac

Ugu yaraan hal askari ayaa ku dhintay dagaalka, halka uu ku dhaawacmay mid kale, waxaana askariga geeriyooday lagu magacaabi jiray Cabdi Cali.

Dhanka kale, ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay saraakiisha laamaha amniga iyo maamulka gobolka oo ku aadan dagaalka ka dhacay bannaanka degmada Matabaan.

Xaaladda ayaa weli kacsan, waxaana dhaq-dhaqaaq iyo xiisad ka dhalatay dagaalka haatan laga dareemayaa qaybo kamid ah gobolka Hiiraan ee bartamaha Soomaaliya.

Horay maleeshiyaadka ayaa maar badan sidaan u weeraray fariisinka ciidamada, mana cadda sababta rasmiga ah ee soo celcelisay dagaalka labada dhinac.

Arrintan ayaa sidoo kale walaac amni ku abuurtay dadka deegaanka oo baqdin ka qaba in ay saameyn ku yeeshaan iska hor imaadyada soo laa laabtay ee ka dhacay halkaasi.

- Advertisement -

Read more

Local News