28.9 C
Mogadishu
Tuesday, November 11, 2025

Lafta-gareen iyo Maxamed Mursal oo maanta gaaray heshiis

Bookmark
Bookmarked

Share

Nairobi (Caasimada Online) – Madaxweynaha Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta-gareen ayaa heshiis siyaasadeed la gaaray dhinacyada mucaaradka, kuwaas oo uu hoggaaminayo Guddoomiyihii hore ee Golaha Shacabka, Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan.

Qoraal wadajir ah oo labada dhinac soo saareen ayaa lagu sheegay in la xaliyay khilaafkii siyaasadeed ee u dhaxeeyay, isla markaana la isla qaatay in la dardargeliyo midnimada iyo horumarka Koonfur Galbeed.

Lafta-gareen ayaa sheegay in kulankooda magaalada Nairobi uu kusoo dhammaaday is-afgarad buuxa, isla markaana heshiis laga gaaray xiisaddii labada dhinac.

“Waxaa maanta magaalada Narobia kulan kula qaatay Walaalkayga Gudoomiye Maxamed Mursal oo aan ka heshiinay kala aragti duwanaanshihii siyaasadeed anagoo isku raacnay midnimada, wadajirka iyo hormarka Koonfur Galbeed iyo guud ahaan Soomaaliya inaan ka shaqayno,” ayuu yiri Lafta-gareen.

Dhankiisa, Maxamed Mursal ayaa sidoo kale xaqiijiyay in khilaafkii siyaasadeed ee kala dhaxeeyay Lafta-gareen la soo afjaray, isagoo tilmaamay in ay si mideysan uga howlgelayaan danaha guud ee bulshada iyo dowlad goboleedka.

“Waxaan ka heshiinnay in aan meesha ka saarno kala aragti duwanaanshihii siyaasadeed ee naga dhexeeyay, anagoo si mideysan uga shaqayn doona midnimada, wadajirka, iyo horumarka dalka guud ahaan iyo deegaanka Koonfur Galbee” ayuu yiri Maxamed Mursal.

Heshiiskan ayaa imanaya iyadoo dhowaan garoonka magaalada Baydhabo laga hor istaagay xubno mucaarad ah oo uu hoggaaminayay Mursal, kuwaas oo doonayay inay halkaasi ka bilaaban ololaha doorashooyinka.

Xubnahan oo qorsheynaya inay la tartamaan Lafta-gareen ayaa hore ugu eedeeyay Madaxweynaha Koonfur Galbeed inuu diidan yahay qabashada doorasho, xilli ay dowladda iyo maamullada socda ay isku raaceen qabashada doorasho qof iyo cod ah.

Heshiiskan ayaa la fahamsan yahay inuu ku yimid cadaadis ay Villa Somalia saartay Koonfur Galbeed, maadaama xubnaha ay is-hayeen Lafta-gareen ay dhawaan heshiis doorasho la gaareen Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh.

Madaxweyne Xasan ayaa ku dadaalaya inuu sii haysto mucaaradka uga soo go’ay Madasha Samatabixinta Soomaaliyeed, oo ku mideysan yihiin siyaasiyiinta ugu miisaanka culus mucaaradka. Madasha ayaa muddooyinkii dambe isbaheysi la sameysatay Madaxweynayaasha Jubaland iyo Puntland oo si weyn isku hayaan Madaxweynaha Soomaaliya.

Arrimahan ayaa imanaya xilli guddiga doorashooyinka qaranka ay shaaciyeen in 30-ka bisha November ee sannadkan la qabanayo doorashada dowladaha hoose.

Horey qorshuhu wuxuu ahaa in doorashooyinka goleyaasha deegaanka ay bilowdaan dhammaadka bishii hore October, balse waxaa yimid dib u dhac, sababo la xiriira markii dib loo furay diiwaan-gelinta oo fursad loo siiyay xisbiyadii ay furteen qaar kamid ah xubnihii ka baxay Madasha Samatabixinta ee heshiiska buuxa la galay Madaxweyne Xasan Sheekh.

Guddiga ayaa haatan shacabka Soomaaliyeed ku wargeliyay inay u diyaar-garoobaan qabsoomida doorashooyinka qof iyo cod, taas oo ay ugu horeyso tan golaha deegaanka lagu dooranayo.

Dowladda Federaalka ayaa weli ku dhagan qorshaha hirgelinta doorashooyinka qof iyo codka ah, waxaase weli bannaanka ka jooga oo diidan maamullada Jubbaland, Puntland iyo siyaasiyiinta mucaaradka ee ku mideysan Madasha Samatabixinta.

- Advertisement -

Read more

Local News