Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi sare oo ka socda Dowladda Soomaaliya ayaa caawa ku hoyday dalka Aljeeriya.
Madaxweynaha iyo wafdigiisa ayaa galabta gaaray caasimadda dalka Aljeeriya ee Aljeris, halkaas oo uu ku tegay marti-qaad rasmi ah oo uu u soo diray Dhiggiisa dalkaas Madaxweyne Cabdulmajiid Tabuun.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa inta uu ku sugan yahay Aljeeriya waxa uu kulan gaar ah la qaadanayaa Madaxweynaha Jamhuuriyadda Aljeeriya, Mudane Abdelmadjid Tebboune.
Sidoo kale, madaxweynaha ayaa kulamo la qaadan doona mas’uuliyiin sare oo ka tirsan dowladdiisa, si ay uga wada-hadlaan iskaashiga amniga, ganacsiga, waxbarashada iyo xiriirka diblomaasiyadeed ee labada dal.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa uga mahad-celiyey shacabka iyo dowladda Aljeeriya soo-dhaweynta diirran ee ay ku qaabileen wafdiga Dowladda Federaalka Soomaaliya, isagoo muujiyey sida ay uga go’an tahay in la kobciyo iskaashiga laba geesoodka ah ee Soomaaliya iyo Aljeeriya.
Xiriirka Soomaaliya iyo Aljeeriya ayaa dhowaan uu dib usoo laabtay, iyada oo horraantii sanadkii hore 2024 dib loo furay safaaradda Soomaaliyeed ee dalkaas, sidoo kale bishii April isla sanadkaan waxaa warqadaha aqoonsiga danjire u gudbiyay Yuusuf Xasan Axmed (Yuusuf Jeego).
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sidaan oo kale maalmo ka hor u booqday dalka Masar, halkaas oo uu kula soo kulmay dhiggiisa Cabdifitaax Al-siisi oo ay ka wada-hadleen arrimo xasaasi ah oo ay kamid tahay iskaashiga labada dal iyo arrimo quseeya gobolka.
Dhaq-dhaqaaqyadaan diblomaasiyadeed ayaa muujinayo in Xasan Sheekh uu isku wado qaar kamid ah dalalka carabta ee ku kala aragtida duwan siyaasadda iyo sida ay wax uga socdaan geeska Afrika iyo caalamka.















