27.9 C
Mogadishu
Tuesday, November 11, 2025

SOMALILAND oo dhaqan-gelisay amar xasaasi, xilli ay ka dartay xiisadda e-visa

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Hargeysa (Caasimada Online) – Xukuumadda Somaliland, ayaa sheegtay in ay Isniintii dhaqan gelisay amarro ay hore uga soo saartay duulimaadyada iyo hawada, oo ay kaga falcelinayso nidaamka dal-ku-galka ee e-visa-ha ay Dawladda Federaalka ee Soomaaliya dhaqan gelisay bilowgii bishii September ee sannadkan.

Wasiirka Duulista iyo Horumarinta Madaarrada Somaliland, Fu’aad Axmed Nuux, oo u warramayey BBC-da, ayaa sheegay in ay qaadeen tallaabooyin qayb ka ah fulinta amarro ay soo saareen, oo ay ka mid ahaayeen in aanay hawada Somaliland mari karin diyaaraddo aan ogolaansho ka haysan Somaliland, kuwaas oo maanta dhaqan gelayey, sida ay hore u sheegeen.

Wasiirka oo la weydiiyey waxa ka hirgalay go’aannadii ay soo saareen ee qorshuhu ahaa in Isniinta la fuliyo, ayaa ku jawaabay, “Go’aamadii aan soo saarnay waxay dhigayeen in aanay hawada Somaliland mari karin diyaarad aan ogolaansho ka haysan, laga bilaabo maanta oo bishu tahay 10-ka November. Markaa, maanta, dhammaan diyaaradaha maraya xuduudda hawada ee Somaliland, waxa aanu la samaynay xidhiidh toos ah, oo waxa aanu la wadaagnay awaamiirtaas aan soo saarnay iyo waxyaabaha looga baahan yahay. Runtii, diyaaraddo badan way ka soo jawaabeen, waxayna diyaar u yihiin in ay hoggaansamaan sharciga Somaliland.”

Waxa kale oo uu sheegay Wasiirku in diyaaradaha aan u hoggaansamin amarrada ay soo saareen ay u sheegi doonaan in ay ka leexdaan hawada Somaliland. Wuxuu yidhi: “Kuwa aan ka soo jawaabin ee aan u hoggaansamin awaamiirta aan soo saarnay way ka leexan doonaan hawada Somaliland laga bilaabo berri, amarkaas ayaa la fari doonaa.”

Fu’aad Axmed Nuux, Wasiirka Duulistu, waxa uu sheegay in ay xidhiidh toos ah la sameeyeen diyaaraddo ku jira hawada Somaliland, sida uu hadalka u dhigay. Haddaba, qaab noocee ah ayey ula xidhiidheen diyaaraddahan? “Waxa aanu isticmaalnay qalab dhamaystiran oo noo suurtogelinaya in aan la xidhiidhno diyaaradaha hawadayada ku jira, markaa waxaan ku sheegayaa in qalabkaygu ku filan yahay in aanu la xidhiidhno diyaaradaha hawadayada maraya.”

Waxa uu Wasiirka duulista Somaliland tilmaamay in ay jiraan tallaabooyin ay qaadi doonaan, haddii diyaaraduhu u hoggaansami waayaan amarrada ay soo saartay. Markii la weydiiyay waxyaabaha ay samaynayso Somaliland haddii ay diyaaraduhu diidaan amarradan ay soo saareen, Wasiirka oo su’aashan ka jawaabaya ayaa yidhi, “Diyaaradaha sharciga Somaliland buuxiya ogolaanshaha way helayaan. Kuwa diida ama ka dhego-adayga, waxa jira tallaabooyin kale oo noo yaalla oo aanu qaadayno, oo sharciga Somaliland iyo ka caalamiga ah ee duulimaadyaduba noo ogol yahay. Marka ay u hoggaansami waayaan ayaanu shaacin doonaa.”

Wasiirka Duulista ee Somaliland Fu’aad Axmed Nuux, waxa uu sheegay in aan Somaliland lagu soo geli karin nidaamka E-visaha ee Soomaaliya, haddii ay noqoto dhulka, cirka iyo baddaba. Wuxuu yidhi: “Shalay waxa soo baxay amar cusub oo Hay’adda Socdaalka ee Somaliland soo saartay. Waxa uu amarkan cusub dhigayaa in aan E-visa lagu soo geli karin Somaliland, ciddii ku timaadana waa la diidi doonaa in ay dalka soo galaan. Waxaanay ku khasban yihiin in ay qaataan dal-ku-galka Somaliland, oo madaarrada laga qaadanayo ama xafiisyada Somaliland adduunka ku leedahay. Markaa E-visa kama shaqaynayo Somaliland. Shirkadaha diyaaradaha, Safaaradaha iyo dalalka ay ka imanayaan dadka soo dhoofaya waanu la wadaagnay.”

Si kastaba ha ahaatee, amarradan kala duwan ee Somaliland soo saartay muddooyinkii u dambeeyay ayaa ah kuwo ka dhashay nidaamka fiisaha elektaroonigga ah ee dawladda Federaalka ee Soomaaliya hirgelisay Sebtembar 1, 2025.

- Advertisement -

Read more

Local News