Ceeldheer (Caasimada Online) – Ciidamo deegaanka ah oo ka tirsan Macawiisleyda degmada Ceeldheer ee gobolka Galgaduud ayaa weerar qorshaysan ku qaaday xubno ka tirsan kooxda Al-Shabaab oo ku sugnaa tuulooyin hoos yimaada degmadaasi.
Wararka ayaa sheegaya in ciidamada Macawiisleyda kadib markii ay heleen xog ku saabsan goobaha ay joogeen xubnaha Shabaabka ay weerarro isku mar ah ku qaadeen deegaannada Cali Yabaal, Uubad iyo Xirsi Cilmi, kuwaas oo dhammaantood hoos taga Ceeldheer.
Cabdulqaadir Cali Bugle, oo kamid ah saraakiisha Macawiisleyda ayaa sheegay in weerarrada halka mar ah oo xeelad cajiib ah ay ku gaarsiiyeen khasaare culus kooxda Al-Shabaab.
Bugle ayaa sheegay in ciidamadooda aysan waxyeello soo gaarin, isla markaana ay si nabad ah dib ugu laabteen halkii ay ka soo dhaqaaqeen.
Bugle ayaa intaas ku daray in howl-galkoodu uu qayb ka yahay dadaallada lagu xakameynayo abaabulka kooxda ee ka socda qeybo kamid ah Galgaduud.
Gobollada dhexe ee dalka, gaar ahaan Galmudug, waxaa haatan ka socda abaabul ciidan oo ay si wadajir ah u wadaan ciidamada dowladda federaalka, kuwa daraawiishta Galmudug iyo Macawiisleyda deegaanka, kuwaas oo bartilmaameedsanaya maleeshiyadka Al-Shabaab.
Dagaalka Al-Shabaab oo muddooyinkii dambe hoos u dhacay kadib markii madaxda sare ee dalka u jeesteen arrimo siyaasadeed iyo dano shaqsiyeed, ayaa haatan mar kale dardar xooggan la gelinayaan, iyadoo ciidamada is-garabsanaya ay howl-gallo ka wadaan gobollada dalka.

