Kinshasa (Caasimada Online) – Safiirka Soomaaliya ee dalka Congo, Ilyaas Cali Xasan ayaa maanta si rasmi ah uga guddoomay waraaqihiisa aqoonsiga Madaxweynaha DRC, Félix Antoine Tshisekedi Tshilombo kadib munaasabad ka dhacday Qasriga Qaranka ee Kinshasa.
Danjire Ilyaas ayaa uga mahad-celiyay soo dhoweynta diirran iyo taageerada ay dowladda iyo shacabka Congo siiyaan bulshada Soomaaliyeed ee ku sugan dalkaas.
Safiirku waxa uu sidoo kale hambalyo u diray Madaxweyne Tshisekedi guusha ay DRC ku gaartay ku biirista Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay
Ilyaas ayaa si gaar ah u xusay in Soomaaliya oo xubin ka ah golahaasi ay diyaar u tahay in la iska kaashado arrimaha gobolka iyo caalamka.
Danjiraha ayaa mar kale adkeeyay sida Soomaaliya uga go’an tahay xoojinta iskaashiga siyaasadeed, dhaqaale iyo bulsho ee labada dal.
Wuxuu sidoo kale soo jeediyay in la aasaaso Madasha Ganacsiga Soomaaliya Congo si kor loogu qaado ganacsiga iyo maalgashiga.
Ugu dambeyntiina, Danjire Ilyaas ayaa Madaxweynaha ku dhiirri-geliyay in la fududeeyo helista rukhsadaha ganacsiga iyo fiisayaasha si loo xoojiyo isu socodka ganacsatada labada dal, maadaama ay xubin ka wada yihiin Ururka Dhaqaalaha Bariga Afrika (EAC).











