Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Mudane Xamza Cabdi Barre, ayaa maanta kulan gaar ah la yeeshay Danjiraha Jamhuuriyadda Jarmalka u fadhiya Soomaaliya, Sebastian Groth oo ay ka wada-hadleen saddex qodob oo muhiim ah.
Kulanka oo ka dhacay xafiiska Ra’iisul wasaaraha ayaa waxaa diiradda lagu saaray xoojinta xiriirka iyo iskaashiga labada dal, gaar ahaan dhinacyada amniga, maal¬gashiga iyo horumarinta dhaqaalaha.
Xamza oo madasha ka hadlay ayaa sidoo kale dowladda Jarmalka uga mahadceliyay taageerada ay siiso shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed.
Sidoo kale, wuxuu sheegay in xukuumaddiisu ay ka go’an tahay in ay adkeyso iskaashiga labada dhinaca, si loo horay loogu wado danaha isku sidkan ee Soomaaliya iyo Jarmalka.
Dhankiisa, Danjire, Groth ayaa sheegay in Soomaaliya iyo Jarmalka ay ka dhaxeyso xiriir saaxiibtinimo oo qoto dheer, isla markaana ay ka go’an tahay dhankooda in ay sii xoojiyaan, si loo gaaro yoolasha la hiigsanayo.
Waxaa kale oo uu ballan qaaday in ay sii laba jibaari doonaan taageerada ay siiyaan Soomaaliya, ayna diiradda saari doonaan fursadaha jira ee dhanka maalgashiga ah.
Jarmalka ayaa kamid ah dowladaha reer Yurub ee taageerada kala duwan siiya dowladda Federaalka, gaar ahaan dhinacyada dhaqaalaha iyo bani’aadannimada.
Maalmihii u dambeeyay Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya ayaa waday kulamo gaar gaar ah oo uu la qaadanayo wakiilada beesha caalamka ee fadhigoodu yahay Muqdisho, isaga oo kala hadlayay danaha Soomaaliya iyo kordhinta taageerada caalamiga ah ee ay hesho dowladda federaalka.





