Muqdisho (Caasimada Online) – Isbahaysiga Dimoqraadiga Soomaaliyeed (SDA), oo ay ku bahoobeen 23 xisbi siyaasadeed, ayaa ku baaqay in hal bil dib loo dhigo doorashada golayaasha deegaanka ee Gobolka Banaadir, si “axsaabta siyaasaddu ay u helaan diyaar garow ku filan.”
Isbahaysiga ayaa war-saxaafadeed uu soo saaray Isniintii ku sheegay in doorashada oo markii hore loo qorsheeyay 30-ka Nofeembar, dib loogu dhigo 30-ka Diseembar. Ujeeddada ayaa lagu sheegay si dhammaan axsaabta siyaasaddu ay u helaan “waqti ku filan” oo ay ku soo dhameystiraan liisaska musharaxiinta, ayna u sameeyaan wacyigelin cod-bixiyayaasha degmooyinka Banaadir.
“Isbahaysigu wuxuu isku raacay in doorashada golaha deegaanka la qabto 30-ka Diseembar si loo siiyo dhammaan ururada siyaasadda waqti ku filan oo ay isugu diyaariyaan,” ayaa lagu yiri bayaanka.
Isbahaysiga SDA waxaa xubno ka ah mas’uuliyiin ka tirsan dalladda Madasha Samatabixinta Qaran, oo dhawaan heshiis la gaartay dowladda Soomaaliya. Waxaa xubnahaas ugu caansan Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya, Cumar Cabdirashid Cali Sharmarke.
Isbahaysiga ayaa carrabka ku adkeeyay in waqtiga dheeriga ah ee diyaar garowga uu gacan ka geysan doono sidii “tartanka loogu sinnaan lahaa” dhammaan ururada siyaasadda, uuna xoojin doono hufnaanta habraaca doorashada ee gobolka caasimadda Soomaaliya.
Doorashada golaha deegaanka ee Muqdisho ayaa horey seddex jeer dib loo dhigay, iyadoo mar walba hal bil oo keliya dib loogu riixayay.
Dhinaca kale, Urur Siyaasadeedka Cadaaladda iyo Wadajirka ee uu hoggaamiyo Madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa shalay si rasmi ah ugu dhawaaqay musharraxooda gobolka Banaadir, waxayna u xusheen guddoomiye Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) oo xisbiga ku metali doono tartanka doorashada ka dhacaysa gobolka Banaadir.
Muungaab, oo haatan ah guddoomiyaha maamulka gobolka Banaadir iyo duqa Muqdisho, ayaa ku caan baxay dadaalladii uu ku soo celiyay shaqadii iyo muuqaalka caasimadda kadib burburkii dagaallada sokeeye, sida lagu sheegay war-saxaafadeed uu soo saaray ururku.
“Intii uu xilka hayay, wuxuu dib u dhisay xarunta Dowladda Hoose ee Xamar iyo maamulka gobolka Banaadir, isagoo sutada u dhigay saldhig adag oo maamulka iyo adeegyada ah” ayaa lagu yiri qoraalka.
Waxaa kale oo uu lasii raaciyay “Ku soo noqoshadiisa xilkan mar kale ayaa lagu tilmaamay mid xoojisay qorshaha dowladda ee ah in la helo hoggaan karti, waayo-aragnimo, iyo kalsooni bulsho leh. Muddadii uu xilka hayay, Dr. Muungaab wuxuu ku guuleystay inuu si muuqata u dhaqaajiyo mashaariic horumarineed, dib-u-habeyn adeegyo dadweyne, iyo qorsheyaal lagu soo celinayo sumcadda Muqdisho ay ku lahayd dunida”.
Sidoo kale, Urur Siyaasadeedka Cadaaladda iyo Wadajirka ayaa sheegay in kalsooni wayn ay ku qabaan hoggaaminta guddoomiye Muungaab, ayna garab istaagi doonaan, si uu mar kale u hanto xilka.

