26.2 C
Mogadishu
Thursday, November 13, 2025

Maxaa ka cusub safarka madaxweyne Xasan Sheekh ee Aljeeriya?

Bookmark
Bookmarked

Share

Aljeris (Caasimada Online) – Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud oo weli ku sugan dalka Aljeeriya ayaa halkaasi kulamo ka wada, isagoo maanta la kulmay Ra’iisul Wasaaraha Aljeeriya, Sifi Ghrieb.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga labada dal ee dhinacyada amniga, horumarinta dhaqaalaha, waxbarashada, iyo adeegyada bulshada, iyadoo Madaxweyne Xasan Sheekh uga mahad-celiyay dowladda iyo shacabka Aljeeriya taageerada joogtada ah ee ay siiyaan Soomaaliya.

Madaxweynaha ayaa sheegay in ay sii wadi doonaan iskaashi lagu gaarayo nabad, horumar iyo barwaaqo guud ahaan gobolka, xilli ay shalay labada dal kala saxiixdeen heshiisyo taariikhi ah.

Dhankiisa, Ra’iisul Wasaare Sifi Ghrieb ayaa Madaxweynaha u xaqiijiyay sida ay Aljeeriya uga go’an tahay in ay sii xoojiso xiriirka laba geesoodka ah, isla markaana ay taageerto dadaallada Soomaaliya ee dib u dhiska iyo xasilinta dalka.

Talaadadii, Dowladaha Soomaaliya iyo Aljeeriya ayaa kala saxiixday 4 heshiis oo muhiim ah, kuwaas oo dhidibada u taagaya iskaashi istiraatiiji ah oo dan u ah labada dal iyo shacabka walaalaha ah ee Soomaaliyeed iyo Aljeeriya.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo dhiggiisa Aljeeriya Cabdulmajiid Tabbuun ayaa goobjoog ka ahaa heshiisyada ay kala saxiixdeen Wasiiradda Wasaaradaha Arrimaha Dibadda, Waxbarashadda, Xanaanada Xoolaha iyo Batroolka ee labada dowladood.

Heshiisyada la gaaray ayaa waxaa ka mid ah dhoofinta xoolaha, horumarinta beeraha, waxbarashada, shidaalka iyo gaaska dabiiciga ah iyo fududeynta socdaalka ee baasaboorka diblomaasiga Soomaaliga oo lagu siin doono fiisaha dal-ku-gal ah marka ay gaaraan Aljeeriya.

Sidoo kale, heshiisyadan ayaa dhidibada u taagaya iskaashi istiraatiiji ah oo dan u ah labada dal iyo shacabka walaalaha ah ee Soomaaliyeed iyo Aljeeriya.

Madaxweynaha Soomaaliya oo munaasabadaas ka hadlay ayaa uga mahadceliyey madaxweynaha iyo shacabka reer Aljeeriya soo dhoweynta diirran iyo walaaltinimada ay muujiyeen, isaga oo xusay kaalinta ay Aljeeriya kaga jirto difaaca danaha Afrika iyo garab istaagga dowladaha saaxiibka ah.

Labada Madaxweyne ayaa dhanka kale wadajir u guddoomiyey wada-hadallo ballaaran oo ay ka qayb-galeen xubnaha labada dal oo ku qotomay xoojinta iskaashiga laba geesoodka ah ee dhinacyada amniga, dhaqaalaha, waxbarashada, caafimaadka, dhaqanka iyo arrimaha diblomaasiyadda.

Si kastaba, xiriirka Soomaaliya iyo Aljeeriya ayaa dhowaan uu dib usoo laabtay, iyada oo horraantii sanadkii hore 2024 dib loo furay safaaradda Soomaaliyeed ee dalkaas, sidoo kale bishii April isla sanadkaan waxaa warqadaha aqoonsiga danjire u gudbiyay Yuusuf Xasan Axmed (Yuusuf Jeego).

- Advertisement -

Read more

Local News