27.5 C
Mogadishu
Thursday, November 13, 2025

Isbaheysiga Haybad Qaran iyo is-beddelka xaaladda siyaasadda Soomaaliya

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Ka dib kulammo siyaasadeed oo in muddo ah u socday siyaasiyiin si weyn looga yaqaan saaxadda siyaasadda Soomaalida oo ay ka mid yihiin Ra’iisul-wasaarahii hore ee Soomaaliya Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid), lataliyihii hore ee amniga Qaranka Fahad Xaaji Yaasiin iyo wasiiro hore, ayaa waxa ay ku dhawaaqeen isbahaysi siyaasadeed oo cusub oo lagu magac baxay Midowga Haybad Qaran kaas oo noqonaya mid ku soo biiray xoogagga siyaasadda ee isu diyaarinaya in ay u tartamaan doorashada madaxtinnimada ee la filayo in ay dhacdo 2026.

Siyaasiyiinta oo mid walba uu gaarkiis u leeyahay xisbi siyaasadeed ayaa dhanka kale ku midoobay isbahaysigan iyagoo ku heshiiyeen in hal musharrax uu ku metelo tartanka soo socda ee doorashada Madaxweynaha Soomaaliya, waxayna ku heshiiyeen in Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid) uu noqdo musharraxa madaxweyne ee ay ku mideysan yihiin.

Haddaba waa maxay aragtida ama barnaamijka siyaasadeed ee uu isbahaysigani soo bandhigi doono, muxuuse ka beddeli karaa saaxadda siyaasadda iyo xaaladda siyaasadeed ee hadda dalka ka jirta?

Su’aashaas iyo qaar kale ayaan weydiinnay Maxamed Mukhtaar oo ka faallooda arrimaha siyaasadda Soomaaliya, waxana uu kaga jawaabay in maadaama ay soo dhowaato xilliga doorashada Soomaaliya gaar ahaan doorashada Madaxweynaha Federaalka ah in dadka danaynaya ay u soo istaagaan mansabkan, laakiin waxaa ku cusub, buu yiri, in siyaasiyiin kala duwan ay ku midoobaan hal musharrax. Dhaqanka siyaasadeed ee Soomaaliya waxa ay ahaan jirtay shaqsiyaad kaligood isu soo sharraxa, buu yiri.

Maxamed Mukhtaar waxa uu sheegay in siyaasiyiintani ay sheegeen magaca ay ku shaqaynayaan, haddana ma aha xisbi raba in ay ku tartamaan qaab xisbi ah. “Dalku in uu qof iyo cod iyo xisbi uu aadayo uma muuqato iyaga,” ayuu yiri Mukhtaar oo intaas ku daray in dhaqanka siyaasadda Soomaalida sida caadada ahayd, inta ay isu tagaan hore kama dhihi jirin musharrax ayaan waddanaa taas oo ah, buu yiri, waji kale oo cusub.

Waxaa jirta hubanti la’aan nidaamka doorashada gaar ahaan qaabka doorashada loo qabanayo 2026 oo weli si buuxda loogama heshiin. Marka siyaasiyiintani iyagoo kala aragti-duwanaanshaha nidaamka doorashada aan xal laga gaarin in ay isbahaysigan ku dhawaaqaan ma la dhihi karaa waa mid lagu degdegay waqtigan, ayaan weydiinnay Maxamed Mukhtaar oo arrinkaasi kaga jawaabay:

“Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid) waxa uu xubin ka yahay Golaha Samatabbixinta Soomaaliyeed taas oo ka mid ah, buu yiri, dadaallada la doonayo in dalka looga gaaro xal siyaasadeed oo ku wajahan doorashada. Isma diidana in ay yiraahdaan annaga musharrax ayaan wadnaa iyo in musharruxu uu ka mid yahay musharrixiinta dalka ka jirta ee tartameysa,” ayuu yiri Maxamed Mukhtaar oo intaas ku daray in waxa cusub ay yihiin in uu sameystay koox siyaasiyiin ah oo isaga taageeraysa.

Sida uu qabo Maxamed Mukhtaar, isbahaysigani kama uusan bixin madashii wadahadallada ee ka socotay Muqdisho ama Nairobi iyo sida xal loogu raadinayo sida xilligan kala guurka ah looga gudbi lahaa, balse waxa ay doonayaan in ay cod iyo culeys ay ku yeeshaan talada Soomaaliya.

Siyaasiyiintan ayaan hadda lahayn saldhig siyaasadeed marka loo fiiriyo dalka oo ay ka taliyaan dowlad-goboleedyo, xubnaha hadda la socda Saacidna kuma jiraan dowlad-goboleedyada hadda jira, deegaan ay hadda toos u maamulaanna ma laha. “Sida kaliya ee ay miiska wadahadallada ku soo fariisan karaan waa in ay culeyskooda siyaasadeed iyo aragtidooda siyaasadeed ay ku soo daraan iyagoo kaashanaya mucaaradka intiisa kale, Puntland iyo Jubaland,” ayuu yiri Maxamed Mukhtaar oo intaasi sii raaciyay “si ugu yaraan looga wadahadli karo doorasho u cuntami karta dhinacyada kala duwan ee siyaasadda isku haya.”

Isbahaysigan waxa laga dheehan karaa in laga gudbayo siyaasi kaligiis iska socdo oo yiraahda musharrax ayaan ahay isagoo calafkiisa tijaabinaya.

Dhanka kale, Maxamed Nuur Qalimow oo isna ka faalladooda arrimaha Soomaaliya ayaa qaba in siyaasiyiintu ay sameystaan isbahaysiyo siyaasadeed in ay tahay tallaabo horumar leh oo looga gudbayo qaabkii hore ee halka shaqsi oo aan xisbi ka socon, ajandihiisana qiyaastii 20 daqiiqo oo toos ah kula hadli jiray xildhibaannada wax dooranaya. “Hadda waxa aad moodaa in qaabka adduunku waafaqsan yahay ee xisbiyada in ay u gudbayaan,” ayuu yiri Qalimow.

Mar uu ka hadlayey waxa uu isbahaysigani soo kordhin karo, Qalimow waxa uu sheegay in isaga iyo kuwa kale oo is-qaabeynaya iyo dowladda hadda xilka haysa ay meel wax isla dhigaan oo dadkii faraha badnaa ee shaqsi-shaqsiga ahaa ay soo gaabato, heshiisna ay ka gaaraan qaabkii ay doorashada kuwada geli lahaayeen.

Mar uu ka hadlayey sida ay siyaasiyiintan ku jira isbahaysigan ay ula falgeli karaan dowlad-goboleedyada si ay fursad ugu helaan inay shacabka gaarsiiyaan ololahooda siyaasadeed, waxa uu Qalimow kaga jawaabay “in maamul-goboleedyada ay tahay in ay u suurtageliyaan xisbiyadan tartami doonaan in ay siiyaan fursad ay shacabka kula hadlaan sida in ay xafiisyo ka furtaan deegaannadooda. Xisbiga ayaa laga rabaa in uu ku qanciyo maamul-goboleedyada in ay xisbiyo ka furtaan, ka dhex ololeeyaan iyo in maamul-goboleedyadu laftigoodu ay xisbiyada u oggolaadaan in ay ka dhex shaqeeyaan.”

Qalimow ayaa qaba in uusan isbahaysigan culeys weyn ku soo kordhin doonin mucaaradka jira iyo dowladda waayo, buu yiri, “dowladdu waa tan u ololeeysa in xisbiyo la sameysto oo laga gudbo qaabka qofka ama qabiilka ah loona gudbo,” buu yiri, “xisbiyo.”

Dhanka kale, Qalimow waxa uu qaba in dadka siyaasiyiinta ah ay tahay in ay la jaanqaadaan qaababkan cusub ee aanay horay u aqoon ee ah in siyaasadda la mideeyo.

Isha: BBC

- Advertisement -

Read more

Local News