28.8 C
Mogadishu
Thursday, November 13, 2025

Xog: Xubno Shabaab ah oo lagu arkay duleedka Warsheekh

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed iyo kuwa deegaanka oo iskaashanaya ayaa dhaq-dhaqaaqyo culus ka bilaabay deegaanno ka tirsan gobolka Shabeellaha Dhexe oo laga dareemay xaalado amni, kadib markii ay kusoo dhawaadeen maleeshiyada Al-Shabaab.

Ujeedka ciidamada ayaa ah inay ka hortagaan qorshe ay damacsan tahay kooxda Al-Shabaab, oo dooneysa inay isku fidiso deegaannada hoostaga degmada Warsheekh oo dhacda dhanka xeebta.

Dagaalyahannada Al-Shabaab ayaa lasoo wariyay in la arkay iyaga oo kusoo dhawaanaya halkaasi, waxaana ka war helay ciidamada oo haatan bilaabay howlgalo looga hortagayo damaca Al-Shabaab.

Maalin kahor ayay ahayd markii labada dhinac ay ku dagaalameen aagga tuulada Ceelka Jabad-godane, halkaas oo jab culus lagu gaarsiiyay, sida ay sheegeen saraakiisha milatariga Soomaaliya.

Sidoo kale saraakiisha ayaa sheegay in ay ka hortagayaan in aagga Warsheekh ay soo galaan maleeshiyada kadibna ay ka sameeyaan qalqalgelin amni.

Ciidamada ayaa sidoo kale isku fidiyay deegaanno duleedka ka ah degmada, waxaana ay bilaabeen howlgallo amni xaqiijin ah, iyaga oo dadka deegaanka ka codsaday inay kala shaqeeyaan ammaanka guud.

Shabeellaha Dhexe ayaa waxaa ka taagan dhaq dhaqaaqyo ciidan oo ka dhan ah Al-Shabaab oo horay u qabsaday deegaano iyo degmooyin ka tirsan gobolkaasi.

Guud ahaan HirShabelle ayaa waxaa ka jira xaalado ammaan darro oo baahsan, waxaana culeys soo saartay kooxda Al-Shabaab oo dib u qabsatay inta badan deegaanadii horay looga saaray.

- Advertisement -

Read more

Local News