29.9 C
Mogadishu
Thursday, November 13, 2025

War cusub oo kasoo kordhay doorashada gobolka Banaadir

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) –  Magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya waxaa haatan ka socda si guud diyaar-garow ku aadan doorashada golayaasha deegaanka ee la filayo in dhawaan ay ka bilowgaan degmooyinka gobolka Banaadir.

Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed oo qaadanaya doorka kaga aaddan doorashooyinka qof iyo codka ah ayaa qabtay shir looga hadlayo amniga iyo u diyaar garowga doorashada golaha deegaanka ee caasimada.

Shirka oo uu guddoomiyay taliyaha qaybta guud ee Booliska gobolka Banaadir, Gaashaanle Sare Mahdi Cumar Muumin ayaa waxaa ka soo qeyb-galay saraakiisha Booliska ee ka howl-gasha caasimadda, si la’isaga xog wareysto arrimaha amniga.

“Shirka waxaa lagu lafa-guray xoojinta amniga Muqdisho iyo diyaar garowga doorashada deegaanka ee soo socota” ayaa lagu warsaxaafadeed kasoo baxay Booliska Soomaaliyeed.

Macallin Mahdi oo kulanka ka hadlay ayaa sidoo kale saraakiisha faray inay si buuxda ugu diyaar garoobaan sugidda amniga goobaha doorashada, isla markaana ay si dhow ula shaqeeyaan bulshada, gaar ahaan dadka nugul si loo xoojiyo xiriirka dhow ee u dhexeeya Booliska iyo shacabka.

Dhawaan ayaa qorshuhu yahay in la bilaabo doorashada, waxaana qaban qaabadii ugu dambeysay wada guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka Qaranka oo bixin doono kaararka cod-bixinta oo la siinayo dadka is-diiwaangeliyay.

Waxaa kale oo bilowday ololaha doorashooyinka, waxaan maalin kahor bandhig wayn caasimada ka sameeyay Xisbiga Cadaaladda iyo Wadajirka ee uu hoggaamiyo Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, waxaana xisbiga uu ku dhawaaqay in guddoomiye Muungaab uu yahay musharaxooda gobolka Banaadir, inkastoo arrintaas uu dood culus ka keenay guddoomiyihii hore ee gobolka Yuusuf Madaale oo isna xubin ka ah xisbiga.

Si kastaba, arrintan ayaa imaaneysa xilli ay weli bannaanka ka joogaan arrimaha doorashooyinka qof iyo codka ah maamullada Jubbaland, Puntland iyo siyaasiyiinta mucaaradka ee la magac baxay Madasha Samatabixinta, kuwaas oo si adag uga soo horjeedo hannaanka loo maray dhismaha guddiga doorashooyinka.

- Advertisement -

Read more

Local News