29.9 C
Mogadishu
Thursday, November 13, 2025

Golaha Wasiirrada oo ansixiyay heshiisyo lala soo galay dalka…

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Golaha Wasiirada Soomaaliya ayaa maanta ansixiyey heshiisyo is-afgarad ah, una dhexeeyo Soomaaliya iyo Boqortooyada Sacuudi Carabiya, kadib kulankoodii todobaadlaha ahaa oo ay ku yeesheen magaalada Muqdisho.

Kulanka oo uu guddoomiyey Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamza Cabdi Barre ayaa waxaa si buuxda loogu meelmariyay heshiisyo ku saabsan iskaashiga Warbaahinta iyo Dhaqanka ee labada dal, sida lagu sheegay qoraal laga soo saaray shirka.

Heshiisyadan isfgarad ee ay ansixiyeen Golaha Wasiirrada ayaa ah kuwa muhiim ah oo ay faa’iido ugu jirta labada dhinac, gaar ahaan dhanka iskaashiga Warbaahinta iyo Dhaqanka.

“Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo maanta yeeshay kulankooda toddobaadlaha ah, ayaa ansixiyey Heshiisyo Is-afgarad ah oo u dhexeeya Dowladaha Soomaaliya iyo Boqortooyada Sacuudi Carabiya, kuwaas oo ku saabsan iskaashiga Warbaahinta iyo Dhaqanka ee labada dal” ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka.

Sidoo kale shirka ayaa waxaa warbixinno la xiriira ammaanka caasimadda iyo guud ahaan dalka looga dhageystay Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed oo uu weheliyo Taliyaha Qeybta Guud ee Booliska Gobolka Banaadir.

Asad Diyaano iyo Macallin Mahdi ayaa warbixinnadooda kusoo bandhigay horumarka laga sameeyay sugidda amniga, iyo qorshaha lagu xaqiijinayo amniga doorashooyinka golaha deegaanka gobolka Banaadir ee dhawaan la qaban doono.

Dhankooda Golaha Wasiirrada ayaa si wayn u boggaadiyay guulaha ay Ciidanka Qalabka Sida ka gaareen dagaalka lagula jiro Al-Shabaab iyo dadaallada joogtada ah ee lagu xaqiijinayo amniga iyo badqabka guud ahaan shacabka Soomaaliyeed.

Waxaa kale oo shirka Golaha Wasiirrada lagu cambaareeyay dhacdooyinkii ka baxsanaa dhaqanka iyo diinta suubban ee Islaamka ee lagu dhibaateeyay shacab birma-geydo ah, iyada oo Xukuumaddu ay fartay hey’adaha amniga in sharciga la horkeeno cid kasta oo ku lug yeelatay falalkaas xadgudubka ah.

- Advertisement -

Read more

Local News