26.2 C
Mogadishu
Sunday, November 16, 2025

Itoobiya iyo Eritrea oo ku sii dhowaaday dagaal kadib markii Itoobiya ay ku dhowaaqday…

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Addis-Ababa (Caasimada Online) – Wasiirka arrimaha dibadda Itoobiya, Dr. Gideon Timothy, ayaa sheegay in dowladda federaalku aysan sii aamusnaan doonin, isla markaana ay qaadi doonto tallaabo ka dhan ah “xadgudubka” Eritrea ay ku samaysay “madaxbannaanida dhuleed” ee Itoobiya.

Wasiirku waxa uu sidoo kale sheegay in Cassab ay u leedahay “muhiimad sare” dowladda federaalka, sababta oo ah “in ay ku maalgeliyeen hanti badan dekadda Cassab ka hor iyo kaddib markii ay Eritrea ka go’day Itoobiya.”

Dr. Gideon hadalkaas waxa uu shalay ka jeediyay madal siyaasadeed oo ay soo qabanqaabiyeen hay’adda Horn Review iyo Jaamacadda Addis Ababa.

Wasiirka waxa uu madasha ka sharxay siyaasadda Itoobiya ee la xiriirta waxyaabihii ugu dambeeyay ee ka soo kordhay gobolka Geeska Afrika. Madasha waxaa sidoo kale joogay diblomaasiyiin iyo safiirro ka kala socday dalal badan.

Hadalka wasiirka arrimaha dibadda waxa uu diiradda saarayay xiriirka ka dhexeeya Itoobiya iyo Eritrea. Waxa uu sheegay in khilaafka muddada dheer soo jiray ee u dhexeeya labada dal uusan ku ekeyn dekedo iyo bad oo keliya. Hadalka wasiirka oo dhameystiran waxaa lagu daabacay bogga Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Itoobiya.

Mid ka mid ah waxyaabaha ugu waaweyn ee keenay khilaafka ayuu ku sheegay wasiirku in ay tahay faragelinta dowladda Eritrea ay ku hayso arrimaha gudaha Itoobiya.

“Dowladda Eritrea waxay dareemeysaa in ay xaq u leedahay oo ay kaalin ka qaadato siyaasadda gudaha Itoobiya,” ayuu yiri wasiirka, oo dhaliilay hoggaanka Eritrea, una sheegay in ay u janjeeraan adeegsiga dhammaan awood kasta oo ka horjeeda danaha Itoobiya.

Sidoo kale wuxuu ku dhaliilay hoggaanka dalka Eritrea in ay “si weyn u doonayaan in ay gobolka ka noqdaan dal taageera dagaallada si ay u gaaraan danahooda.”

Wasiirka wuxuu kaloo ka hadlay arrin kale oo ku saabsan Eritrea oo ah “Siyaasadda Isaiah” oo uu ku sifeeyay mid ku saleysan in jiritaanka Eritrea uu ku xiran yahay dhibaatada, qeybsanaanta iyo degganaansho la’aanta Itoobiya.

Wuxuu u sheegay wasiirku dadkii madasha joogay in Eritrea ay gashay “xadgudub ka dhan ah madaxbannaanida dal iyo dhuleed ee Itoobiya”.

“Hadda ciidamada Eritrea ayaa maamula dhowr deegaan oo ku yaalla waqooyiga Itoobiya,” ayuu yiri wasiirka, oo intaas ku daray in goobahaas “ay ka mid yihiin dhulka Itoobiya ee madaxbannaan.”

Wuxuu kaloo ku eedeeyay in dowladda Eritrea ay “faragelin ku hayso arrimaha gudaha Itoobiya iyadoo taageero siineysa kooxaha hubeysan ee ka horjeeda dowladda.”

Dr. Gideon waxa uu sheegay in tallaabooyinka dowladda Asmara ay yihiin wax “ku filan Itoobiya oo ay ku qaadi karto tallaabooyin ay isku difaacdo”, balse wuxuu kaloo sheegay in dowladdiisu ay ilaa hadda ka baaqsatay in ay qaaddo tallaabooyin militari oo la xiriira arrintan.

“Inkastoo Itoobiya ay wajaheyso xadgudubyo halis ah oo lagu sameynayo madaxbannaanideeda dhuleed, haddana ma qaadin tallaabo ay isku difaaceyso,” ayuu yiri wasiirka, oo sheegay in mowqifkan looga gol leeyahay in laga fogaado dagaal, balse “uusan ahayn mid sii jiri doona.”

Wasiirka arrimaha dibadda wuxuu kaloo ka hadlay arrinta ku saabsan doonista Itoobiya ee ah in ay hesho dekad. Wuxuu ku celiyay hadalladii hore ee dowladdiisu sheegtay ee ahaa in arrinta dekadaha ay u tahay “Itoobiya nolol iyo geeri”, maadaama 130-ka milyan ee reer Itoobiya ay u baahan yihiin dekad lagu kalsoonaan karo oo ammaan ah.

Dr. Gideon wuxuu sheegay in dekadda Cassab ay dowladda Itoobiya ugu jirto “mudnaanta koowaad”.

Dr. Gideon wuxuu kaloo ka hadlay “maalgelinta weyn ee Itoobiya ku samaysay dekadda Cassab ka hor iyo kaddib markii Eritrea go’day”, isaga oo sheegay in taasi tahay sababta ay mudnaanta koowaad u siinayaan Cassab. Dalabka dowladda ee ku saabsan dekadda ayuu ku sifeeyay mid cadaalad ah oo macquul ah marka la eego xaaladda dhaqaale ee Itoobiya.

Wasiirka wuxuu kaloo sheegay in xiisadda ka dhex taagan labada dal lagu xalin karo oo keliya “isdhexgal dhaqaale oo goboleed” oo u dhexeeya labada dal. Wuxuu kaloo sheegay, Dr. Gideon, in doonista Itoobiya ee dekad lagu xalin karo habkan isdhexgalka dhaqaale.

Wasiirka waxaa la weydiiyay waxa ay noqonayaan tallaabooyinka xiga haddii ay guuldarreystaan tallaabooyinka diblomaasiyadeed ee socda. Isagoo taas ka jawaabaya, wasiirka waxa uu sheegay in Itoobiya ay ka “go’an tahay in ay ka fogaato wax kasta oo keenaya dagaal”.

“Marka la eego xaaladda jilicsan ee ka jirta dhammaan gobolka Geeska Afrika, dagaal kale waa musiibo,” ayuu yiri wasiirka, oo intaas ku daray in dowladda Itoobiya ay “iska dhaaftay” in arrintan ay kaga aargudato Eritrea.

Dr. Gideon, oo sheegay in dowladda Itoobiya ay “diyaar u tahay wada hadal” si loo beddelo mustaqbalka labada dal, ayaa ugu baaqay bulshada caalamka in ay cadaadis saarto Eritrea.

- Advertisement -

Read more

Local News