26.6 C
Mogadishu
Saturday, November 15, 2025

Soomaaliya oo difaaca badda kala hadashay dal ay ku tashato + Sawirro

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Kalluumeysiga iyo Dhaqaalaha Buluugga ee Soomaaliya, Mudane Axmed Xassan Aadan, oo maanta xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Dowladda Turkiga ee Soomaaliya, Mudane Alper Aktaş, ayaa kala hadlay arrimo ku aadan difaaca badda Soomaaliya, si looga hortago wax kasta oo halis ku ah marin-biyoodkeenna, gaar ahaan in la xaalufiyo khayraadka kala duwan ee dhex ceegaaga biyaha Soomaaliya.

Wasiirka iyo Danjiraha ayaa yeeshay kulan miro-dhal ah oo lagu xoojinayay iskaashiga labada dal ee dhinaca kalluumeysiga iyo ilaha dhaqaalaha buluugga ah ee dalka.

Inta uu socday kulanka ayaa waxaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga labada dowladood ee ku saabsan horumarinta kalluumeysiga iyo ilaalinta kheyraadka badda, dardargelinta iyo fulinta heshiisyada iskaashi ee horey u dhexmaray Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Dowladda Turkiga, Kor u qaadidda aqoonta iyo xirfadaha kalluumeysatada Soomaaliyeed.

Safiirka Turkiga Alper Aktaş oo kulanka ka hadlay ayaa ballan-qaadday tababaro heer sare ah oo lagu horumarinayo adeegsiga farsamooyinka casriga ah ee dhinaca Kalluumeysiga, Waxbarasho heer jaamacadeed (Master’s Degree) oo Dowladda Turkiga ay si gaar ah uga taageeri doonto Wasaaradda, si loo helo khubaro Soomaaliyeed oo aqoon durugsan u leh dhaqaalaha buluugga ah iyo maareynta kheyraadka Badda.

Danjire Alper Aktaş ayaa sii adkeeyay sida ay Dowladda Turkiga uga go’antahay taageeridda Soomaaliya, gaar ahaan dhanka tababarrada, waxbarashada iyo barnaamijyada kobcinta kheyraadka Badda, isagoo xusay in dowladdiisu diyaar u tahay inay sii ballaariso iskaashiga labada dal.

Dhankiisa Wasiirka Kalluumeysiga Axmed Xasan Aadan ayaa safiirka Dowladda Turkiga ee Soomaaliya uga mahadceliyey sida ay dowlad ahaan diyaar ka ugu yihiin taageerada farsamo iyo garab istaagga joogtada ah ee ay siinayaan dowladda Soomaaliya gaar ahaan dhinaca horumarinta iyo ka faa’iideysiga kheyraadka kalluun ee dalka.

Sidoo kale wuxuu intaa ku daray in kulanka uu ahaa mid guul kusoo dhammaday, isla markaana muhiim u ah xoojinta xiriirka labada dal, gaar ahaan dhanka horumarinta kalluumeysiga oo ka mid ah tiirarka muhiimka u ah dhaqaalaha dalka.

Turkiga ayaa kamid ah dowladaha waa wayn ee taageerada kala duwan siiya Soomaaliya, waana saaxib dhab ah oo ay ku tashato dowladda federaalka Soomaaliya.

- Advertisement -

Read more

Local News