28.9 C
Mogadishu
Sunday, November 16, 2025

Xogta weerar culus oo ay qaaday Galmudug + Khasaaraha

Bookmark
Bookmarked

Share

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya howlgal qorsheysan oo ay xalay ciidanka Daraawiishta Galmudug ay ka sameeyeen qaybo kamid ah gobolka Galgaduud, kaas oo lagu beegsaday maleeshiyaad ka tirsan kooxda Al-Shabaab.

Weerarka oo qaadeen ciidamo ka tirsan kuwa ururka Galayr ayaa si gaar ah uga dhacay aagga deegaanka Ceelahelay, iyada oo lagu weeraray goob ay ku dhuumaaleysanayeen xubno ka tirsan Khawaarijta.

Wararka ayaa sheegaya in weerarka oo dhacay xilli habeen ah, aadna loo qorsheeyay lagu laayay xubno ka tirsanaa Al-Shabaab, oo loogu tegay goobta la weeraray.

Saraakiisha hoggaamineysa howlgalka ayaa sheegay in meydadka ugu yaraan 7 Khawaarij ah ay yaallaan goobtii lagu weeraray cadowga, isla markaana ay weli sii baacsanayaan firxadkooda, iyagoo ka saaray goobihii ay gabaadka ka dhiganayeen, sida ay hadalka u dhigeen.

Waxaa kale oo qoraal kasoo baxay dowladda lagu sheegay in khasaaraha uu intaas ka badan karo, maadaama howlgalka uu cuslaa, laguna naafeeyay cadowga argagixisada.

“Xiliga oo habeen ah darteed waxay saraakiishu noo sheegeen in khasaaraha rasmiga ah ee cadowga gaaray aan la ogaa karin, balse ay filayaan in tiro inta goobta dagaalka lagu arkay ka badan ay Khawaarijta dhinasho iyo dhaawac uga noqdeen howlgalka, iyagoo balan qaaday in warbixin rasmi ah ay bulshada lasoo wadaagi doonaan” ayaa lagu yiri qoraalka.

Xaaladda ayaa maanta kacsan, waxaana weli dhaq-dhaqaaqyo iska soo horjeedo laga dareemayaa qaybo kamid ah aagga deegaanka Ceelahelay oo muddooyinkan ay ku sugnaayeen maleeshiyaadka kooxda Al-Shabaab.

Ciidamada dowlada, kuwa Galmudug iyo Macawiisleyda deegaanka ayaa maalmahan waday abaabul xooggan oo ay doonayaan inay uga hortagaan Al-Shabaabka ku sugan gobollada dhexe.

- Advertisement -

Read more

Local News