26.6 C
Mogadishu
Saturday, November 15, 2025

Eedeymo musuq-maasuq oo hareeyey kiiska askariga loo haysto dilkii Cabdifataax Takar

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Qoyska marxuum Cabdifataax Maxamed Cismaan Takar oo 16-kii Agoosto 2025 ku geeriyooday Isbitaalka guud ee Gobolka Hiiraan ka dib dhaawac ka soo gaaray rasaas uu riday Sharma’arke Cabdulqaadir Cali Dhaqane ayaa si kulul uga hor yimid go’aanka maxkamadda sare ee ciidamada qalabka sida, iyagoo ku eedeeyay in kiiska wiilkooda lagu dhex sameeyay musuq-maasuq iyo caddaalad-darro muuqata.

Dilka iyo Xaaladdii Isbitaalka

Marxuumka ayaa 14-kii Agoosto 2025 lagu dhaawacay gudaha beer ku taalla deegaanka Bacaad oo hoos tagta Magaalada Beledweyne ka dib khilaaf soo kala dhex galay isaga iyo Sharma’arke Cabdulqaadir Cali Dhaqane oo ahaa ku xigeenka CID ee Beledweyne. Qoyska marxuumka ayaa sheegay in beerta lagu dilay ay leedahay hooyadiis Faadumo Faarax Cilmi.

Isbitaalka guud ee Gobolka Hiiraan ayaa warbixin rasmi ah ku caddeeyay in marxuumka la keenay isagoo ku jiray xaalad aad u daran, rasaastuna ay uga dhacday xudunta hoosteeda, kana soo baxday sinta midig, taas oo keentay in mandhiciradu bannaanka u soo baxaan. Dhakhaatiirta ayaa sheegay in marxuumka lagu sameeyay qaliin socday 4 saac iyo bar, balse uu u geeriyooday dhaawaca culus ee soo gaaray.

Kiiska Maxkamadaha iyo Xukunka Hore

Cabdifataax Maxamed Cismaan Takar

Kiiska waxaa markii hore qaaday Maxkamadda Darajada Koowaad ee Ciidamada Xoogga Soomaaliya – Qeybta Hiiraan, waxaana fadhiga dacwadda loo fadhiistay 21 September 2025. Dhageysiga ka dib, maxkamaddu waxay Sharma’arke Cabdulqaadir Cali Dhaqane ku xukuntay: dil doogasho ah (qisaas) oo la xiriirta dilka marxuumka.

Racfaan iyo Go’aanka Maxkamadda Sare

Ehelada eedeysanaha ayaa qaatay racfaan, waxaana kiiska loo gudbiyay Maxkamadda Sare ee Ciidamada Qalabka Sida ee magaalada Muqdisho. Ka dib dhageysi cusub oo dhacay 4 November 2025, maxkamaddu waxay Sharma’arke ku xukuntay:

• 5 sano oo xabsi ah
• Diyo adag oo loo qoondeeyay qoyska marxuumka iyo in laga xayuubiyey darajadii ciidan ee uu lahaa.

Go’aankan ayaa beddelay xukunkii hore ee qisaasta ahaa.

Qoyska Marxuumka oo go’aanka ku tilmaamay mid Musuq-maasuq ah

Qoyska marxuum Cabdifataax ayaa si cad uga hor yimid go’aanka cusub, iyagoo sheegay in marqaatiyaal been ah laga keenay Muqdisho, sidoo kalena la beddelay marqaatiyadii saxda ahaa, sida ay ku sheegeen shir jaraa’id oo ay qabteen.

Faadumo Faarax Cilmi oo ah hooyada marxuumka, ayaa tiri: “Go’aanka maxkamadda sare waa mid aan caddaalad ahayn. Waxaa la beddelay marqaatiyaashii saxda ahaa, waxaana lagu beddelay kuwo Muqdisho laga soo uruuriyey. Wiilkayga waxaa lagu dilay beer aan anigu leeyahay, waxaana codsaneynaa in wiilkeenna uu helo caddaalad.”

Sharma’arke Cabdulqaadir Cali Dhaqane

Hooyo Faadumo ayaa sidoo kale sheegtay in Sharma’arke Cabdulqaadir Cali Dhaqane uu markii hore qirtay dilka wiilkooda isla markaasna uu isaga iskiis isku geeyey saldhigga booliska ee magaalada Beledweyne, balse markii dambe uu go’aansaday inuu inkira dilka, sida ay hadalka u dhigtay.

Sidoo kale, Mahad Maxamed Cismaan oo la dhashay marxuumka, ayaa yiri: “Waxaan caddaalad ka waaynay maxkamadaha gudaha Soomaaliya. Waxaan beesha caalamka ka codsaneynaa in nala garab istaago si aan u helno xaqa marxuumka.”

Sidoo kale Mahad ayaa sheegay in walaalkiis uu adduunka kaga tagay ilmo yar yar, wuxuuna sheegay inuu walaalkiis ahaa nin 30-jir ah mustaqbal weyn lahaa, wuxuuna Madaxweyne Xasan Shiikh Maxamuud iyo Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre ka codsaday in wiilkooda loo helo caddaalad.

Kiiskan oo muran badan dhaliyay ayaa weli ka taagan degmada Bacaad iyo magaalada Beledweyne. Qoyska marxuumka ayaa wacad ku maray inay sii wadi doonaan dadaalka ay ugu jiraan helitaanka caddaalad buuxda, waxayna sheegeen in kiiska wiilkooda lagu sameeyay musuq, caddaalad-darro iyo faragelin sharci-darro ah.

- Advertisement -

Read more

Local News