26.2 C
Mogadishu
Sunday, November 16, 2025

E-visa ma la jabsaday mise dowladda dhexdeeda ayaa xogta laga xaday?

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) — Waxaa laga yaabaa in nidaamka cusub ee dal-ku-galka elegtrooniga ah (e-visa) ee Soomaaliya laga jabsaday gudaha dowladda dhexdeeda, waxaa sidaas sheegay falanqeeye siyaasadeed oo fadhigiisu yahay Muqdisho.

Cabdullaahi Mataan ayaa sheegay in dhacdadan ay tahay “ceeb weyn” oo ku habsatay dowladda federaalka. Wuxuu ku dooday in dowladda ay ahayd in ay xaqiijiso amniga nidaamka ka hor inta aan la daah-furin.

“In xogtu soo baxdo oo jabitaan dhaco, laba bilood kaddib markii la daah-furay e-visaha, waa arrin ceeb ku ah dowladda,” ayuu u sheegay warbaahinta Somalia Today. “Waa in dowladda ay bixisaa jawaab degdeg ah oo ay la timaadaa xal degdeg ah oo lagu kalsoonaan karo.”

Cabdullaahi ayaa sidoo kale tilmaamay in qof nidaamka gudihiisa ku jira laga yaabo inuu bixiyay xogta, halkii ay ka ahaan laheyd in kooxo jabsadayaal (hackers) ah oo dibadda ka yimid ay xadeen.

“Marka la eego, bogga e-visa ee etas.gov.so weli wuu shaqeynayaa, mana muuqato wax calaamad ah oo muujinaya jabsasho ama la wareegis. Waxaa suurtagal ah in qof dowladda gudaheeda ah uu xogta xaday kadibna banaanka u dusiyey,” ayuu yiri. “Kiis kasta ha ahaadee, dowladda waa in ay bixisaa jawaab degdeg ah.”

Hadallada Cabdullaahi ayaa yimid kaddib markii ay UK iyo Mareykanka labaduba uga digeen muwaadiniintooda jabsasho xogeed oo ballaaran oo lagu sameeyay nidaamka cusub ee e-visa ee Soomaaliya.

UK ayaa muwaadiniinteeda uga digtay jabsashadan maalintii Jimcaha, maalin kaddib markii uu Mareykanku soo saaray digniin la mid ah. Labada dalba waxay sheegeen inay hayaan “eedeymo lagu kalsoonaan karo” oo muujinaya in jabsashada lagu kashifay xogta shakhsiyeed ee ugu yaraan 35,000 oo socoto ah.

Sida ay sheegtay digniinta Mareykanka, kooxaha jabsaday ayaa u dhacay nidaamka e-visa taariikhdu markay ahayd ama ku dhoweyd 11-kii November. Safaaraddu waxay soo bandhigtay liis walaac leh oo ku saabsan xogta laga yaabo in la xaday.

Waxay xustay in xogta baxday ay ku jiraan “magacyada dadka fiisaha dalbaday, sawirradooda, taariikhda iyo goobta dhalashada, ciwaannada iimayllada, xaaladda guurka, iyo ciwaannada guryahooda.”

Mas’uuliyiinta Soomaalida weli kama aysan hadlin jabsashadan. Balse dowladda ayaa adeeggeeda fiisaha ka wareejisay evisa.gov.so una guurtay etas.gov.so, iyadoon bixin wax sharraxaad rasmi ah.

Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya ayaa maamusha nidaamka e-visa. Sidoo kale iyaduna weli soo ma saarin war-saxaafadeed faahfaahsan oo ku saabsan jabsashada ama tallaabooyinka ay qaadeyso si ay u sugto amniga xogta dadka safarka ah.

- Advertisement -

Read more

Local News