27.1 C
Mogadishu
Thursday, November 20, 2025

Puntland oo 7 maalmood u qabatay in looga guuro…

Bookmark
Bookmarked

Share

Boosaaso (Caasimada Online) – Puntland ayaa dadka ku nool tuulooyinka ku hareeraysan togga Baallade u qabatay muddo toddoba maalmood ah oo ay ku banneeyaan deegaanadaas.

Maamulka ayaa sheegay in tallaabadani qayb ka tahay isku dayga lagu joojinayo sahayda lagu tuhunsan yahay inay gaarto ururka Daacish, kaas oo mararka qaar la sheegay inuu raashin iyo xoolo ka helo dadka deegaanka.

Hay’adaha amniga ayaa si gaar ah dadka deegaanka Tasjiic ugu eedeeyay inay xiriir ganacsi la leeyihiin Daacish, waxayna ku adkaysteen in dowladda ay khasab ku tahay inay qaaddo tallaabo ka hortagaysa in kooxdaasi hesho gargaar ay ku sii hawlgasho.

Maalmihii lasoo dhaafay, ciidamada amniga ayaa xiray rag iyo dumar lagu tuhmay inay raashin iyo badeecooyin u qaadeen Daacish, kuwaas oo lagu qabtay iyagoo kasoo laabanaya togga Baallade.

Sidoo kale, qaar ka mid ah dadka deegaanka ayaa lagu eedeeyay inay gacan ka geystaan shaqada miino-dhigayaasha kooxda.

Go’aankan ayaa abuuray cabsi iyo walaac xooggan oo ku dhacay odayaasha iyo nabadoonnada tuulooyinka lagu amray inay ka guuraan, kuwaas oo sheegay in bulshada ay duruufo adag oo abaar ahi hayaan, isla markaana aysan haysan awood ay kaga dhaqaaqaan dhulkooda.

Nabadoon Cabdiqaadir Axmed Xarago ayaa dhankiisa ku eedeeyay Madaxweyne Deni inuu qorsheynayo barakicinta shacabka si dhulku ugu banaanaado Imaaraadka, oo uu sheegay inay rabaan inay halkaas ka qodaan macdan.

Wuxuu sheegay in dadka deegaanka aysan awood u lahayn barakac kale, isla markaana aysan wax xiriir ah la lahayn kooxda Daacish.

Nabadoonku wuxuu ugu baaqay dowladda inay ciidamo u dirto tuulooyinka si loo qabto cid kasta oo Daacish la shaqaysa, halkii shacabka lagu qasbi lahaa inay ka guuraan guryahooda.

- Advertisement -

Read more

Local News