26.3 C
Mogadishu
Wednesday, November 19, 2025

Wasaaradda gaadiidka iyo duulista oo ku guuleysatay in ay kala dirto kooxo qowleysato

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada ayaa ku guuleysatay inay kala dirto kooxo qowleysato ah oo qaab suuq madow ah ugu takri-falayay awoodda iyo hantida shacabka

Madaxda ugu sarreysa wasaaradda, sida Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada mudane Maxamed Faarax Nuux, wasiir-ku-xigeenka iyo wasiiru-dowlaha, ayaa tan iyo markii ay la wareegeen hoggaanka Wasaaradda Gaadiidka waxa ay ballanqaadeen in meesha ay ka saari doonaan nidaamyadii hore ee u oggolaan jiray ku takrifalka awoodda iyo hantida dadweynaha.

Tallaabooyinka muhiimka ah ee ay wasaaraddu qaaday waxaa ka mid ah:

Kala dirista shabakadaha musuqa: Wasiirradu waxa ay si geesinimo leh ula tacaaleen kooxo si joogto ah u caadaysatay inay wasaaradda u beddelaan suuq madow oo lagu kala iibsado agabka muhiimka ah sida taarikada baabuurta iyo shatiyada wadista (liisanka), kuwaas oo dhab ahaantii ah adeegyo qaran oo ay shacabka Soomaaliyeed xaq u leeyihiin.

Sugidda xogta qaranka: Qayb ka mid ah waajibaadkiisa dastuuriga ah, wasiirku waxa uu adkeeyay nidaamka amniga xogta wasaaradda si loo hubiyo inaysan gacanta u gelin shakhsiyaad aan u qalmin. Tani waxay muhiim u tahay ilaalinta sirta iyo kalsoonida shacabka ee hay’adaha dawladdu.

Dib-u-habayn dhammaystiran: Waxaa socda barnaamij ballaaran oo dib-u-habayn loogu samaynayo dhammaan waaxyaha wasaaradda, kaas oo looga golleeyahay in lagu dhiso nidaam hufan, cadaalad ku dhisan oo la xisaabtan leh.

Caqabadaha iyo ololaha sumcad-dilka ah

Sida la filayay, dadaalladan dib-u-habeynta ah waxay wajahaan iska caabin adag oo kaga imaanaysa kooxihii laga saaray wasaaradda iyo kuwo kale oo ka faa’iidaysan jiray nidaamkii hore ee musuqa ku dhisnaa. Kooxahan, oo qaarkood loo gudbiyay Xafiiska Hanti-dhowraha Qaranka, ayaa hadda ku hawlan:

Faafinta been-abuurka: Waxay maalgelin iyo abaabul ku bixinayaan sidii ay u faafin lahaayeen warar aan sal iyo raad toona lahayn oo lagu sumcad-dilayo wasiirka iyo sharafta wasaaradda. Ujeeddadoodu waa inay carqaladeeyaan shaqada horumarineed ee socota.

Isticmaalka baraha bulshada: Kooxahan abaabulan waxay lacago si sharci-darro ah ku heleen ugu shubayaan dad caan ka ah baraha bulshada si ay u buunbuuniyaan fadeexado aan waxba ka jirin, iyaga oo isku dayaya inay shaki geliyaan shaqsiyadda wasiirka daacadda ka ah.

Wasiir Maxamed Faarax Nuux waxa uu si cad u sheegay in tallaabooyinkan ay yihiin kuwo loo baahnaa oo aan indhaha laga qarsanayn, ayna ka go’an tahay inuu difaaco hannaanka hortabinta u ah shaqada wasaaradda. Waxa uu bulshada Soomaaliyeed u xaqiijiyey in koox kasta oo jecel xumaanta iyo faafinta beenta aanay joojin doonin howsha culus ee loo igmaday ee ah u adeegidda dalka iyo dadka.

Dadaalka wasiirka ee ku aaddan la dagaallanka musuqmaasuqa waxaa loo arkaa mid muhiim u ah dhismaha dowladnimo hufan, isaga oo diiradda saaraya sidii Soomaaliya ay u yeelan lahayd wasaarad gaadiid iyo duulis shaqaynaysa oo buuxisa heerarka caalamiga ah.

 

- Advertisement -

Read more

Local News