28.7 C
Mogadishu
Wednesday, November 19, 2025

Aqalka Sare oo ansixiyay Guddiga Madaxa bannaan ee Xuquuqul Insaanka

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Senatorada Golaha Aqalka Sare oo maanta kulankoodii caadiga ahaa ku yeeshay magaalada Muqdisho ayaa ansixiyay guddiga madaxa bannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka, si uu guda galo howlaha shaqo ee loo igmaday.

Gudddigan oo ay maanta golaha horgeysay Wasaaradda Qoyska iyo Hormarinta Xuquuqul Insaanka Soomaaliya ayaa cod aqlabiyad leh lagu meel-mariyay.

Sida uu shaaciyay guddoomiyaha Aqalka Sare waxaa ogolaaday 28 Senator, halka 1 Senator uu ka aamusay, taas oo ka dhigeysa in guddiga uu helay sharciyad buuxda.

Intaas kadib waxaa meesha lagu dhaariyay xubnaha guddiga Xuquuqul Insaanka Qaranka, kadib markii ay heleen codka kalsoonida ee Golaha Aqalka Sare Soomaaliya.

Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Hormarinta Xuquuqul Insaanka Soomaaliya Marwo Khadiija Maxamed Al-Makhzoum oo kulanka ku sugneyd ayaa golaha uga mahadcelisay sida sharafta leh ee ay meel mariyeen Guddiga Madaxa bannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka, iyada oo sidoo kale golaha u faah-faahisay ahmiyadda uu guddiga u leeyahay ummadda Soomaaliyeed.

Khadiija ayaa dhismaha guddigan ku tilmaamtay guul taariikhi ah oo usoo hoyatay shacabka Soomaaliyeed, waxayna intaasi ku dartay in waqti badan ay gelisay.

Horay guddigan ayaa uga soo gudbay Golaha Shacabka, iyana cod aqlabiyad leh kusoo meel mariyay, waxaana haatan kadib uu guda galayaa shaqooyinka loo igmaday.

- Advertisement -

Read more

Local News