27.5 C
Mogadishu
Wednesday, November 19, 2025

Guddiga doorashada oo shaaciyey in laga codsaday in dib loo dhigo doorashada….

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) — Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka iyo Xuduudaha Qaranka (NIEBC) ayaa shaaca ka qaaday in in ka badan 40 urur-siyaasadeed oo diiwaangashan ay si rasmi ah u soo gudbiyeen codsi ku aaddan in dib loo dhigo doorashooyinka golayaasha deegaanka ee Gobolka Banaadir, kuwaas oo la filayey inay dhowaan qabsoomaan.

Warkan ayaa soo ifbaxay Talaadadii, xilli Guddigu uu kulan wadatashi ah la lahaa qaar ka mid ah ururrada siyaasadda ee isku diyaarinaya ka qaybgalka loolanka doorashada.

Guddoomiyaha Guddiga, Mudane Cabdikariim Axmed Xasan, ayaa sheegay in ururradu ay cuskadeen cudur-daar ay ka mid yihiin waqtiga is-diyaarinta oo aad u kooban iyo caqabado maamul oo kala duwan oo horyaalla, taas oo keentay inay dalbadaan muddo kordhin.

“In ka badan afartan urur ayaa soo gudbiyey codsiyo ay ku dalbanayaan waqti dheeri ah oo dhaafsiisan 30-ka November ee aan qorsheynay. Ujeeddada aan maanta isugu nimid waa inaan si dhab ah u fahanno asalka codsiyadan iyo duruufaha dhabta ah ee idin haysata,” ayuu Guddoomiyuhu u sheegay ka qaybgalayaasha kulanka.

Guddigu weli ma uusan kala caddayn mowqifkiisa rasmiga ah—inuu aqbali doono dalabkan iyo inuu ganafka ku dhufan doono—isaga oo sheegay in weli ay socdaan wadatashiyo arrintan la xiriira.

Jadwalka doorashada goleyaasha deegaanka ee Banaadir ayaa asal ahaan loogu asteeyey 30-ka bishan November, balse jadwalka doorashada ayaa marar badan oo hore isbaddal ku yimid. Guddiga NIEBC ayaa in ka badan saddex jeer oo hore dib u riixay waqtiga qabsoomidda codbixintan.

Mas’uuliyiinta Guddiga ayaa xaqiijiyey inay sii wadi doonaan wadahadallada ay la leeyihiin dhinacyada ay khuseyso, si xal looga gaaro caqabadaha taagan.

Arrintan ayaa ku soo beegmaysa xilli aan weli heshiis laga gaarin doorashooyinka qaranka, taas oo ay diidan yihiin qaar ka mid ah dowlad-goboleedyada iyo xisbiyada mucaaradka oo ay ugu weyn tahay Madasha Samatabixinta Qaranka.

Dowladda ayaa sidoo kale horey loogu eedeeyey in aysan daacad ka ahayn hirgelinta doorasho qof iyo cod ah, balse ay tahay xeelad waqti-lumis ah oo looga gol-leeyahay in lagu xaqiiqsado muddo-kororsi. Hase yeeshee, Villa Somalia way beenisay eedeymahaas.

- Advertisement -

Read more

Local News