26.8 C
Mogadishu
Wednesday, November 19, 2025

Somaliland oo ku dhaqaaqday qorshe cusub kadib nidaamka cusub ee DF soo rogtay

Bookmark
Bookmarked

Share

Hargeysa (Caasimada Online) – Somaliland ayaa u dhaqaaqday hirgelinta nidaam cusub oo uga hortageyso kan Dowladda Federaalka Soomaaliya ee maraakiibta.

Dowladda Soomaaliya ayaa dhawaan ku dhawaaqday nidaamka ECTN oo adkeynaya gacan ku haynta xuduudaha badda ee dalka, isla markaana ay hal meel isugu geynayso maamulka iyo kormeerka guud ee ganacsiga caalamiga ah.

Somaliland oo ka hortagaysa nidaamkan ayaa ku dhawaaqday hirgelinta nidaam kan lamid ah, balse ay maamulkiisa gacanta ku haynayso Hay’adda Dekedaha Somaliland.

Nidaamkan ayey Somaliland ku sheegtay inuu yahay mid digital ah oo lagu diwaan-galinayo warbixinta xamuulka markab kasta oo u soo socda Somaliland, ka hor inta aan dekedda ku soo xidhan.

Maareeyaha Hay’adda Dekedda Somaliland Cali Diiriye Axmed oo shaaciyay hirgelinta nidaamkan ayaa wuxuu sheegay in loogu tala-galay in lagu xakameeyo, lagu kormeero, laguna saadaliyo xamuulka, si loo yareeyo khatarta musuq-maasuqa, dib u dhaca iyo khilaafaadka ku saabsan hantida.

Tan ayaa imaneysa xilli ay Wasaaradda Dekedaha iyo Gaadiidka Badda soo saartay amar culus oo faraya in si deg-deg ah loo dhaqan-galiyo nidaamka elektaroonigga ah ee raadraaca maraakiibta shixnadaha (ECTN).

Wasaaradda ayaa ku hanjabtay in ciddii u hoggaansami weyda amarkan ay wajihi doonto ciqaab adag oo isugu jirta in hantidooda lala wareego iyo in sharciga lala tiigsado.

Nidaamka ECTN ee Soomaaliya ayaa haatan “si buuxda u hawl-galay, waajibna ku ah” dhammaan badeecadaha ka soo degaya ama ka dhoofaya deked kasta oo ku taal Jamhuuriyadda Soomaaliya.

Nidaamkan, oo u shaqaynaya sidii “Aqoonsi dhijitaal ah” (Digital Passport) oo ay leedahay badeecaddu, wuxuu dowladda u suuragelinayaa inay il gaar ah ku hayso dhaq-dhaqaaqa shixnadaha, laga soo bilaabo dekedda ay ka soo ambabaxeen ilaa ay ka soo gaaraan halka ay u socdaan ee gudaha Soomaaliya.

Si kastaba, qorshahan wuxuu si dhow u shabbahaa khilaafkii ka dhashay nidaamka dal-ku-galka elektaroonigga ah (e-Visa). Somaliland iyo Puntland ayaa hore u qaadacay shuruudda E-visa-ha federaalka, iyagoo sabab uga dhigay walaac dhanka amniga xogta ah.

Nidaamkan ayaa haatan wajahya iska-caabin taas la mid ah, taas oo shirkadaha maraakiibta ku qasbi karta xaalad adag oo ah inay kala doortaan amarka dowladda dhexe iyo kan maamullada maxalliga ah, taas oo keeni karta “canshuur laba-dible ah.”

Iyadoo ay jirto xurguftaas gudaha ah, haddana dowladda federaalku waxay qorshahan u waddaa si kalsooni leh, iyadoo taageero xooggan ka helaysa beesha caalamka.

Ilo diblomaasiyadeed ayaa tilmaamaya in Midowga Yurub uu taageersan yahay hirgelinta ECTN, iyagoo u arka aalad muhiim u ah xakameynta hubka sharci-darrada ah iyo maalgelinta dhismaha dowladnimada.

- Advertisement -

Read more

Local News