26.8 C
Mogadishu
Wednesday, November 19, 2025

Dowladda Soomaaliya oo Kenya u gudbisay dalab la xiriira khilaafka…

Bookmark
Bookmarked

Share

Nairobi (Caasimada Online) – Dowladda Soomaaliya ayaa Kenya ka dalbatay inay ka gacan siiso xallinta is-mariwaaga ka taagan Maxkamadda Caddaaladda Bariga Afrika (EACJ).

Murankan ayaa la xiriira xubnaha ay Muqdisho u soo magacawday Golaha Sharci-dejinta Bariga Afrika (EALA).

Codsigan inay Soomaaliya soo gaarsiisay Kenya ayaa waxaa shaaciyay afhayeenka Aqalka Hoose ee Kenya, Moses Wetang’ula, kadib kulan uu fiidnimadii Talaadada la yeeshay wafdi ka socday Soomaaliya.

Kulanka oo ka dhacay dhismaha baarlamaanka Kenya ayuu Wetang’ula ku qaabilay Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya, Sheekh Aadan Madoobe, oo booqasho rasmi ah ku joogay Nairobi.

Intii ay wada-hadlayeen, Aadan Madoobe ayaa Kenya ka codsaday inay xoojiso taageerada ay siiso Soomaaliya, gaar ahaan ka-qaybgalka iyo doorka ay ku leedahay hay’adaha Ururka Bulshada Bariga Afrika (EAC).

Wetang’ula ayaa dhankiisa u hambalyeeyay Aadan Madoobe doorashadiisa guddoomiyaha Guddiga Guddoomiyaasha Baarlamaanada EAC, wuxuuna ballan-qaaday in Kenya ay garab istaagi doonto muddada uu xilka hayo.

Labada mas’uul ayaa sidoo kale isla qaatay in la sii adkeeyo xiriirka iyo wada-shaqeynta baarlamaannada Kenya iyo Soomaaliya, si loo kobciyo wada-shaqeynta iyo diblomaasiyadda baarlamaannada labada dal.

Ugu dambeyntiina, Guddoomiye Aadan Madoobe ayaa guddoomiye Wetang’ula ku casuumay shirka Guddoomiyeyaasha Baarlamaanadda Ururka Bulshada Bariga Afrika oo Soomaaliya ay dhawaan martigelin doonto.

- Advertisement -

Read more

Local News