27.1 C
Mogadishu
Thursday, November 20, 2025

Trump oo Mohamed bin Salmaan ka aqbalay qorshihii ka dhanka ahaa Imaaraadka

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Washington (Caasimada Online) – Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump, ayaa shaaca ka qaaday inuu si toos ah u soo faragelin doono dagaalka sokeeye ee aafeeyey dalka Suudaan, tallaabadaas oo uu sheegay inay ka dhalatay codsi uga yimid Dhaxal-sugaha Boqortooyada Sacuudiga, Maxamed Bin Salmaan.

“Dhaxal-suguhu wuxuu iga codsaday inaan tallaabo aad u culus ka qaado xaaladda Suudaan. Inkastoo aanay qorshahayga ku jirin inaan arrintaas lugaha la galo,” ayuu yiri Trump, isagoo ku tilmaamay dagaalka socda “mid waalli ah oo faraha ka baxay.”

Isagoo si toos ah u la hadlaya Dhaxal-sugaha Sacuudiga, oo booqasho ku jooga Washington, wuxuu Trump yiri: “Waan arkaa sida ay arrintani muhiim kuugu tahay… Sidaas darteed, waxaan billaabi doonnaa inaan ka shaqeyno arrimaha Suudaan.”

Toddobaadkii hore, Middle East Eye ayaa baahisay in Maxamed Bin Salmaan uu qorsheynayey inuu Trump kala hadlo taageerada ay Imaaraatku siiyaan kooxda Ciidamada Gurmadka Degdegga ah (RSF) ee dagaalku kala dhexeeyo milatariga Suudaan.

Go’aanka hoggaamiyaha Sacuudiga ayaa yimid kadib markii ay cirka isku shareereen xiisadaha siyaasadeed ee u dhexeeya Riyaad iyo Abu Dhabi. Dhaxal-sugaha Sacuudiga ayaa u xaqiijiyey Taliyaha Ciidamada Qalabka Sida ee Suudaan (SAF), Cabdifataax Al-Burhaan, inuu Trump kala hadli doono xal u helidda dagaalkan.

“Wuxuu [Dhaxal-sugaha Sacuudigu] arkaa fursad dahabi ah oo uu ku kala kaxeyn karo, kuna kala dhex-geli karo Trump iyo MBZ,” ayuu yiri sarkaal Reer Galbeed ah oo xog-ogaal u ah qorshayaasha laga damacsan yahay Suudaan, isagoo ula jeeda Madaxweynaha Imaaraatka, Maxamed Bin Saayid Al Nahyaan.

“Xasuuq ba’an iyo falal arxan-darro ah ayaa ka socda Suudaan. Waxay noqotay goobta ugu rabshadaha badan Dunida, waana dhibaato bani’aadannimo tii ugu weyneyd,” ayuu Trump ku qoray bartiisa Truth Social, wax yar kadib markii uu ballan-qaadka u sameeyey Dhaxal-sugaha Sacuudiga.

Doorka Imaaraatka iyo cadaadiska diblomaasiyadeed

Ilo wareedyo Suudaani ah oo xog-ogaal u ahaa wicitaankii horey u dhex maray Maxamed Bin Salmaan iyo Jeneraal Burhaan, ayaa sheegay in Burhaan uu u caddeeyey Dhaxal-sugaha inaanay jirin qaab dagaalka Suudaan lagu soo afjari karo iyadoo aan cadaadis Mareykan ah la saarin dowladda Imaaraatka. Ilo wareedka ayaa sheegay in Maxamed Bin Salmaan uu ballan-qaaday inuu arrintaas hordhigi doono Trump.

Diblomaasi Carab ah oo ku sugan gobolka ayaa isna sheegay in Abu Dhabi ay sii filaysay in booqashada Maxamed Bin Salmaan ee Washington ay horseedi doonto cadaadis horleh oo kaga yimaada dhanka Mareykanka.

Kadib warbixintii Middle East Eye, waxaa soo ifbaxay calaamado muujinaya in Mareykanku uu ka sii samrayo, una dulqaad la’yahay hab-dhaqanka Imaaraatka.

Xoghayaha Arrimaha Dibadda Mareykanka, Marco Rubio, ayaa si kulul u cambaareeyey taageerayaasha kooxda RSF, isagoo aan si toos ah magaca Imaaraatka u xusin. Imaaraatku wuxuu si joogto ah u beeniyaa inuu taageero kooxdan, in kasta oo ay jiraan caddeymo badan oo muujinaya cagsigeeda.

“Waxaan aaminsanahay in dhibaatadeenna ugu weyn hadda—iyadoo aanan cidna farta ku fiiqayn, laakiin ay waajib tahay inaan tilmaamno—ay tahay waxa RSF ay sameysay toddobaadyadii la soo dhaafay. Kooxdani ma lahan awood ay hub ku sameysato. Waxaa jira cid siineysa dhaqaalaha iyo cid siineysa hubka, wuxuuna hubkaasi soo marayaa dalal kale,” ayuu yiri Rubio.

Wuxuu intaas ku daray: “Waan ognahay cidda ay yihiin, waana kala hadli doonnaa arrintan, waxaana fahamsiin doonnaa in tani—haddii aanan joojin karin—ay sumcad xumo ku tahay iyaga, adduunkana ay ku tahay ceeb.”

Bishii Janaayo 2024, Middle East Eye ayaa daabacday in Imaaraatku uu hub u gudbinayey RSF, isagoo isticmaalaya shabakad isku xiran oo isugu jirta xulafadiisa iyo marinno soo mara Liibiya, Jaad, iyo Uganda.

Dagaalka Suudaan ayaa qarxay bishii Abriil 2023, kadib markii xiisado muddo huursanaa ay gacan-ka-hadal isku beddeleen, kuwaas oo u dhexeeyey Ciidamada Milatariga (SAF) ee uu hoggaamiyo Burhaan iyo kuwa RSF ee uu hoggaamiyo Taliyihii hore ee Janjaweed-ka, Maxamed Xamdaan Daqalo (oo loo yaqaan Xamedti)—ninkan oo ah saaxiib dhow oo ay leeyihiin Imaaraatku.

Inkastoo Sacuudigu uu isku dhigay dhex-dhexaadiye, haddana ilo wareedyo badan oo Suudaani iyo Reer Galbeed isugu jira ayaa sheegay in Riyaad ay doorbideyso xasilloonida la aaminsan yahay inuu keeni karo garabka Milatariga ee SAF.

- Advertisement -

Read more

Local News