28.6 C
Mogadishu
Tuesday, December 30, 2025

Nidaamka beddelka u noqon kara mixnadda federaalka ee haysata Soomaaliya

Bookmark
Bookmarked

Share

Soomaalida oo aan wax faham ah ugu bilaabnayn “Waa maxay federaalnimadu, what is a federal system?” ayaa lagu yiri, “Qaata ee isku maamula,” taasoo dhalisay marxaladda hadda taagan ee maamul-goboleedyadu is-moodaan dowlado gaar ah.

Puntland oo ku andacoonaysa inay tahay hooyadii federaalka, waxaan aragnaa hab-dhaqanka Soomaalinimada ka baxsan ee ay u dhaqmayso, iyadoo iska indha tiraysa nidaamka dowladeed ee dalka ka jira, Jubbaland oo iyaduna waddadaas cagta saartay iyo Somaliland oo gooni u goosad ah.

Waxaa wax lala yaabo noqotay, marka laga soo tago diidmada dowladnimada Soomaaliya, in si qeexan ay u sheegeen maamulka Puntland inaysan aqoonsaneyn nidaamyada dowladda dhexe ay xaqa u leedahay in looga dambeeyo. Tusaale gaaban ayaa ah nidaamka kaarka aqoonsiga muwaadinka Soomaaliyeed ee qeexaya “yaa Soomaali ah.”

Hay’adda The National Identification and Registration Authority (NIRA) ayaa ka caawin doonta muwaadiniinta Soomaaliyeed inay helaan adeegyada iyo xuquuqaha aasaasiga ah ee ay u baahan yihiin.

Tan kale oo iyadana quseysa waa fiisaha dal-ku-galka Soomaaliya oo dowladda dhexe ay mas’uuliyaddeeda tahay inay bixiso, oo ay Somaliland iyo Puntland iska diideen inay aqoonsadaan, halka Puntland ugu yeertay qofkii qaata kaarka NIRA inuu yahay dambiile iyo argagixiso. Taasi waxay muujinaysaa diidmada nidaamka dowladnimo iyo faham qaldan oo ku saabsan nidaamka federaalnimada.

Waxaa iska cad in maamul-goboleedyadu ay yihiin maxmiyaad ay leeyihiin dalal cadow ah, ujeeddaduna tahay in Soomaaliya dal ahaan qaybsanaato, ayna qaran ahaanna halka ay maanta taagan tahay ka kiciso, maslaxaddeeduna noqoto mid hoos tagta shisheeyaha iyo dalalka cadowga ah, isla markaasna aan laga madaxbannaanayn faragelintooda cadowtinimada ah.

Jamhuuriyaddii Soomaaliya, laga soo bilaabo xilligii daakhiliyadda ilaa burburkii dowladdii dhexe ee kacaanka (1956-kii ilaa 1991-kii), waxay ku dhaqmeysay unitary system oo ah nidaam siyaasadeed oo qeexaya in maamulka iyo awoodaha dalka oo dhan gacanta ugu jireen dowladdii dhexe, inkastoo ay ku dhisnayd “xigto iyo xidid.”

Burburka nidaamkii xigto iyo xididka ku dhisnaa ka dib, Soomaaliya waxay gashay marxalad quus ah oo dhismaha dowladnimo ah. Waxaa dhegaha dadka ku dhacayay wax aysan horay u maqal: federaalnimo oo halbeeg loogu dhigay maamul siyaasadeedka dalka, wuxuuse noqday mixno iyo fidno la eedeeyo.

Asalkiisu wuxuu nooga yimid shirkii Embagathi, maskaxdii ka dambaysayna wuxuu ahaa Meles Zenawi oo aaminsanaa in madaxweynihii xilligaas AUN Cabdullaahi Yuusuf uu danaha Itoobiya ka shidaal qaato.

Soomaaliya waxaa lagu sheegaa dad isku isir ah (homogeneous), isku hal dal laakiin kala dhaqan ah; yacni qoomammo reer-guuraa ah oo qobka iyo qabyaaladda la weyn tahay, iyo dad deggan sida beeraley, xeebley, xirfadleey, gedisley iyo wixii la mid ah oo aaminsan in lagu noolaado qaranimo, sharci iyo dowladnimo.

Soomaaliya waxaa hadda ku habboon nidaamka centralism-ka oo ah furfurnaan ku saabsan madaxbannaanida maamul ee gobollada, iyadoo dowladda dhexe ay ku yeelaneyso door iyo qaab muraaqadeyn ah oo ah sida uu maamulka habsami ugu hoos daadego, dowladnimadana loo gaarsiinayo degmo ilaa tuulo.

Nidaamkaas furfurnaanta ah ayaa ah xalka kaliya ee ay Soomaaliya ku horumari karto, taas oo u baahan in ugu dambaynta loo coddeeyo, iyadoo laga hortegayo federaalnimada aan dareen lahayn.

Gebogebo, Soomaalidu waxay tiraahdaa: “Qori iyo qiiqiisaba waa la isala tuuraa.” Federaalka iyo maxmiyadnimada ay la timid waa in ay Soomaali iska diiddaa, kuna midowdaa hal dal iyo hal maamul oo leh nidaam dowladeed casri ah. Waa in la qaataa go’aan taariikhi ah oo ku saleysan wada-tashi ummadeed oo dalkeenna karaamadiisa badbaado u ah, iyadoo dib loo soo celinayo awooddiisa dowladeed.

Ali Muhiyaddiin
[email protected]

AFEEF: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada [email protected] Mahadsanid. 

- Advertisement -

Read more

Local News