26 C
Mogadishu
Sunday, December 7, 2025

Sanad kadib dib u doorashadii Axmed Madoobe, yaa maamula gobolka Gedo?

By Ibraahim Maxamed Aadan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muddo sanad ah ayaa laga joogaa markii dib loo doortay madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe), doorasho ka dhacday magaalada Kismaayo 25-kii bishii November 2024, taas oo ay si adag u diiday dawladda federaalka, kuna tilmaantay mid baal marsan sharciga.

Axmed ayaa ku adkaystay sax ahaanshaha dib-u-doorashadiisa, wuxuuna dagaal toos ah iyo mid diblumaasiyadeedba la galay dawladda federaalka.

Maxkamadda Gobolka Banaadir ayaa warqad soo qabasho ah u jartay Axmed Madoobe bilowgii khilaafka Muqdisho iyo Kismaayo, taa beddelkeeda maxkamadda Kismaayo ayaase warqad soo xirid ah u jartay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud. Labadaas go’aan midkoodna ma hirgelin.

Dagaal ayaa ciidamada dawladda federaalka iyo kuwa Jubbaland ku dhex maray deegaanno ka tirsan gobollada Jubbada Hoose iyo Gedo, waxaana ku dhintay kuna dhaawacmay dad badan, iyadoo kumannaan kalena ay ku barakaceen, waloow aan tirakoob sax ah laga hayn baaxadda khasaaraha ay geysteen dagaalladaasi.

Dadaallo dhowr ah oo lagu doonayay in lagu xalliyo khilaafka sanad-jirsaday ee labada dhinac ayaa natiijo la’aan ku dhammaaday. Waddamada gobolka, gaar ahaan Kenya iyo Itoobiya, ayaa qayb ka ahaa isku dayo labada dhinac lagu heshiisiinayay, kaas oo kii ugu dambeeyay uu ka dhacay Kismaayo bishii la soo dhaafay ee October.

Sanad kadib sidee loo kala maamulaa degmooyinka gobolka Gedo?

Gobolka Gedo waxa uu ka tirsan yahay dawlad-goboleedka Jubbaland, waxa uuna ka kooban yahay toddoba degmo. Muddadii sanadkaa ee uu taagnaa khilaafka dawladda dhexe iyo maamulka Jubbaland waxa uu loollan adag ku dhex maray labada dhinac oo midba midka kale uu doonayay in uu ka fara-maroojiyo.

Degmooyinka Garbahaarey, Beledxaawo, Baardheere iyo Buurdhuubo waxa gacanta ku haya maamulka gobolka ee wada-shaqaynta la leh dawladda federaalka.

Degmooyinka Doolow, Ceelwaaq iyo Luuq waxaa maamula wakiillada Jubbaland ee gobolka Gedo.

Magaalooyinka qaar dagaal la isugu awood-sheegtay ayaa ka dhacay, sida Beledxaawo, Baardheere iyo Doolow.

Guddoomiyaha Gobolka Gedo ee wada-shaqaynta la leh dawladda federaalka Cabdillaahi Cabdi Jaamac (Shimbir) ayaa BBC-da u sheegay in inta badan gobolka uu hoos tago maamulkiisa.

“Gobolka inta badan dee, sidii madaxweyne Axmed Madoobe uu mar labaad isugu caano shubay si sharci-darro ah, gacanta dawladda ayuu inta badan ku jiray. Marka waxa jira degmo Doolow la yiraahdo oo inta badan ay Itoobiyaanku gacanta ku hayaan, marka meelahaasi saraakiishiisa iyo madaxda uu soo diro ayay tagaan. Marka Ceelwaaqna hore gacanta ayay ugu jirtay oo awalba iska ahayd Jubbaland, inkastoo aanay waxba ku qaban,” ayuu yiri Cabdillaahi Shimbir.

Aragtidaas mid ka duwan waxa qaba guddoomiyaha Gobolka Gedo ugu magacaaban Jubbaland oo la yiraahdo Maxamed Xuseen Al-Qaadi, waxa uuna rumeysan yahay in degmooyinka qaar weli la isla joogo.

“Gedo, degmooyinkeeda marka wax yar laga reebo, waxa gacanta ku haysa Jubbaland, oo wax hadda federaal ama dawladda Muqdisho ay gacanta ku wada hayaan ma jiro. Meel walba ciidan baa isku hor fadhiya. Marka khalkhal iyo dhibaato ma ogi e wax ay ka faa’iideen weerarka siyaasadeed ee ay ku soo qaadeen gobolka midna ma jiro. Hal degmo oo ay 100% maamulaan gebi ahaanteed ma jirto,” ayuu yiri Al-Qaadi.

Khilaafka Muqdisho iyo Kismaayo oo mar kasta saameyn ku yeesha gobolka Gedo

Khilaafka Muqdisho iyo Kismaayo wax cusub ma aha. Tan iyo markii uu Kismaayo maamul uga dhawaaqay Axmed Maxamed Islaam (Madoobe) 2012, marrar kala duwan ayay is khilaafeen maamulkiisa iyo dawladda dhexe ee Muqdisho, khilaafyadaas oo marrarka qaarkood gaaray gacan ka hadal.

Mar kasta oo uu soo shaac baxo muran labada dhinac ah, waxa goobta ugu weyn ee lagu loolamo ay noqotaa gobolka Gedo.

Inkasta oo gobolku uu ka tirsan yahay Jubbaland, haddana dadka deggan waxay muddaba saluugsanaayeen hannaanka lagu dhisay maamulka Jubbaland iyo habka awood-qaybsiga ee uu ku dhisan yahay.

Guddoomiyaha Gobolka Gedo ee ay taageerto dawladda federaalka, Cabdillaahi Shimbir, waxa uu aaminsan yahay in siyaasiyiinta iyo odayaasha gobolku ay leeyihiin sababta koowaad ee keenta in khilaafka labada dhinac loo soo rarro gobolka.

“Waxaan arkayaa wax saddexaad oo u diyaarsan ma jiraan dadka reer Gedo; waxay iyagu sameysteen ma jiro. Odayaasha dhaqanka iyo wax lagu baxsado ma jiraan, waa uun in labada meelood lala kala istaago. Marka labada meelood diriraana waa in la kala safanaa weeye. Hadda arrinta ugu yaabka badan waxay ahayd anagoo qaarna dawladda taageeraya oo amarka dawladda qaadanaya, qaarna Axmed Madoobe taageeraya ayaan is leynay, cid kaloo meel ka timid ma jirin, waa is horfadhinaa,” ayuu yiri Cabdillaahi Shimbir.

Doodda la xiriirta in siyaasiyiinta gobolka yihiin kuwa Gedo u soo rara khilaafka dawladda dhexe iyo maamulka Jubbaland dhexmara, waa dood xoog badan.

Guddoomiyaha Gobolka Gedo ugu magacaaban Jubbaland, Maxamed Xuseen Al-Qaadi, isagu waxa uu si gaar ah eedda u saarayaa siyaasiyiinta gobolka ku matala dawladda federaalka.

“Anigu waxaan is leeyahay sababtaas waxa keenaayo dadka federaalka ku matala gobolkan oo dad tayo leh aan ahayn, oo gobolkooda duullaanka lagu yahay midna aan ka hadlin, oo nolol maalmeed maalmo la siinayo ku xisaabtama intooda badan, eena dhammaantood ma aha,” ayuu yiri Al-Qaadi.

Sida muuqata, haddii uu sii taagnaado khilaafka dawladda federaalka ee Muqdisho iyo maamulka Jubbaland ee Kismaayo, waxa sii socon doona muranka maamul ee ka taagan gobolka Gedo, oo hadda degmooyinkiisa ay kala maamulaan laba guddoomiye oo taageero ka kala haysta Muqdisho iyo Kismaayo.

Isha: BBC

- Advertisement -

Read more

Local News