26 C
Mogadishu
Sunday, December 7, 2025

Muxuu yahay shirka ay DF uga qeyb-gashay Nairobi?

Bookmark
Bookmarked

Share

Nairobi (Caasimada Online) – Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Bashe Yuusuf Axmed ayaa ka qeyb-galay kullanka sanadlaha ah ee Madasha Guddoomiyayaasha Maxkamadaha Sare ee dalalka Bariga Afrika.

Shirweynahan oo ka furmay magaalada Nairobi ee dalka Kenya ayaa waxaa looga hadlay arrimo muhiim ah oo la xiriira horumarinta caddaaladda ku dhisan baahida shacabka, gaar ahaan nidaamyada caddaaladda ee ka baxsan dacwadaha maxkamadaha madaniga ah.

Guddoomiyayaasha Maxkamadaha Sare ayaa is dhaafsaday waayo-aragnimo, hal-abuur casri ah, iyo qaabab cusub oo lagu ballaarinayo helitaanka caddaaladda.

Intii uu shirku socday waxaa si gaar ah looga falanqeeyay caqabadaha wadajirka ah ee ka jira dalalka gobolka, sida la jaanqaadidda sharciyada, wacyigelinta bulshada, dhisida awoodda garsoorka, adeegsiga tiknoolajiyadda, iyo joogteynta nidaamyada cusub ee caddaaladda.

Waxaa sidoo kale laga dooday sida loo dardargelin lahaa wada-shaqeyn heer gobol ah, oo ay ka mid yihiin isdhaafsiga aqoonta, tababarrada wadajirka ah, iyo booqashooyinka waxbarasho ee garsoorayaasha.

Ugu dambeyntii, madashu waxay ku heshiisay in la diyaariyo war-murtiyeed mideysan oo qeexaya mudnaanta, ballanqaadyada wadajirka ah, iyo tallaabooyinka la qaadayo si loo horumariyo caddaalad ku saleysan baahida dadweynaha ee guud ahaan Bariga Afrika.

- Advertisement -

Read more

Local News