26 C
Mogadishu
Sunday, December 7, 2025

Odey da’ ah oo si arxan darro ah loogu dilay Galgaduud

Bookmark
Bookmarked

Share

Caabudwaaq (Caasimada Online) – Faah-faahinno dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa dhacdo kale oo argagax leh oo maanta ka dhacday degmada Caabudwaaq ee gobolka Galgaduud, kadib markii halkaas si arxan darro ah loogu dilay oday waayeel ah oo caan ka ahaa degmadaasi.

Dilka oo qorsheysnaa ayaa waxaa fuliyay maleeshiyaad hubeysan oo isla markiiba goobta ka baxsaday, sida ay sheegeen dadka deegaanka.

Marxuumka ayaa waxaa lagu magacaabi jiray Cabdi Ciise Qooleey, waxaana dilkiisa lala xiriiryay aargoosi aano qabiil oo ka taagan halkaasi, sida ay sheegeen dadka deegaanka.

Sidoo kale waxaa goobta gaaray mas’uuliyiin ka tirsan maamulka degmada iyo xubno kamid ah qoyska marxuumka, iyadoo la bilaabay baaritaano dheeraad ah.

Laamaha amniga oo kaashanaya Odoyaasha dhaqanka ayaa ku raad-jooga soo qabashada raggii dilka gaysatay si loo horgeeyo cadaaladda loogana qaado tallaabo adag oo sharci ah.

Dadka deegaanka ayaa si weyn uga walaacsan dilka loo gaystay odeyga  waayeelka ah, waxaana xiisad la xiriirta dilkiisa haatan laga dareemayaa qaybo kamid ah gobolka Galgaduud.

Dhanka kale, ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay maamulka Galmudug oo ku aadan dhacdadaasi dilka ah iyo xiisadda ay sababtay ee ka taagan aaagga magaalada Caabudwaaq.

Si kastaba, ha’ahaatee dilalka loo gaysanayo dadka birimageedada ah ayaa maalmahan kusoo badanayay gobollada dalka, waxayna siyaabo kala duwaan uga dhaceen Galgaduud, Shabeellaha Hoose iyo deegaanno kale oo lagu dilay carruur, haween iyo dad da’ah.

- Advertisement -

Read more

Local News