Washington (Caasimada Online) — Xildhibaan Ilhaan Cumar ayaa shaaca ka qaaday in weerarka bahalnimada ah iyo hadallada kulul ee Madaxweyne Trump uu la beegsanayo jaaliyadda Soomaaliyeed ee Minnesota aanay wax kale ahayn, balse ay tahay xeelad siyaasadeed oo lagu indho-sarcaadinayo shacabka Mareykanka.
Wareysi gaar ah oo ay Khamiistii siisay raadiyaha NPR, ayay xildhibaanadda xisbiga Dimoqraadigu ku tilmaantay tallaabada madaxweynaha mid uu ku qarinayo fashilka maamulkiisa iyo dhibaatooyinka sharciga ah ee haysta, isagoo adeegsanaya luuqad naceyb xambaarsan si uu dareenka dadweynaha u jeediyo.
Ilhaan ayaa sheegtay in dhaqanka Madaxweynuhu uu yahay mid horay looga bartay. Waxay aaminsan tahay in mar kasta oo Trump uu wajaho cadaadis ama su’aalo adag, uu isku dayo inuu mawduuca beddelo isagoo weerar ku qaadaya dad kale. Sida ay tiri Ilhaan, Madaxweynuhu wuxuu haatan ku sugan yahay xaalad quus ah (desperate), wuxuuna doonayaa inuu indhaha ka leexiyo liis dheer oo dhibaatooyin culus ah.
Waxay farta ku fiiqday fadeexooyin dhowr ah oo uu isku dayayo inuu dadka ka qariyo.
Waxay ustay in Madaxweynaha iyo Xoghayihiisa Difaaca ay hadda wajahayaan eedeymo la xiriira suurta-galnimada dambiyo dagaal. Sidoo kale, waxay soo hadal qaadday xaaladda dhaqaale ee dalka, iyadoo sheegtay in maciishaddu ay qaaliowday, tirada shaqo abuurkuna aanay waafaqsanayn ballanqaadkiisii.
Intaas waxaa dheer, Ilhaan waxay ku eedeysay Trump inuu isku dayayo inuu qariyo “Faylasha Epstein” si uu u difaaco shakhsiyaadka ku lugta leh fadeexaddaas. Waxay ku doodday in maadaama Trump ay haystaan su’aalo badan oo uusan rabin inuu ka jawaabo, uu doortay inuu beddelkeeda weeraro soo-galootiga.
Xildhibaanaddu kama aysan gaban inay si adag u qeexdo madaxweynaha, iyadoo hadalladiisa dhowaan soo yeeray ku tilmaantay “wax laga yaxyaxo,” madaxweynahana ku sifeysay “oday maan-doorsoomay oo is-xakamayn waayay” (deranged old man). Waxay sheegtay in “fatahaadda iyo hadallada aan loo meel dayin” ee kasoo yeeraya ay ceeb ku yihiin ma aha isaga oo keliya, balse guud ahaan dalka Mareykanka.
Weerarka Madaxweynaha ayaa soo bilowday Arbacadii markii uu ka hadlayay kiisas musuq-maasuq oo ka dhacay Minnesota. Wuxuu soogalootiga Soomaalida ah ku tilmaamay “qashin,” isagoo sheegay inay “burburiyeen dalkeenna.”1 Wuxuu sidoo kale soo jeediyay in dalka laga masaafuriyo xildhibaan Ilhaan, in kastoo ay tahay muwaadinad Mareykan ah.
Mar ay ka hadlaysay kiisaska musuq-maasuqa ee Trump uu cuskaday, Ilhaan waxay qirtay xaqiiqada jirta. Xeer-ilaaliyeyaasha Minnesota ayaa dacwad kusoo oogay 86 qof oo lagu eedeeyay inay lunsadeen lacago loogu talagalay barnaamijyada cuntada iyo hoyga, kuwaas oo badankoodu yihiin dad asalkoodu Soomaali yahay.
Ilhaan way cambaareysay falkaas, waxayna tiri: “Waan ku faraxsanahay in sharcigu jiro oo la ciqaabo kuwa xadaya hantida canshuur-bixiyayaasha; dadka dambiyada galayna waa inay xabsi muddo dheer ah galaan.”
Hase yeeshee, Ilhaan waxay si adag u diidday, una gaashaanka u daruurtay isku dayga Madaxweynaha ee ah inuu dembiga shakhsiyaad kooban dusha ka saaro guud ahaan bulshada Soomaaliyeed.
Waxay sharraxday in nidaamka Mareykanka, dembiga qof gaar ah uusan noqon karin mid loo saariyo bulsho dhan. Waxay difaacday dadka laga soo doorto, iyadoo ku tilmaantay dad sharciga dhowra oo abaal-guda, balse la doonayo in dusha laga saaro eed aanay lahayn.
Ugu dambeyntii, Ilhaan waxay ka digtay in hanjabaadda Madaxweynuhu aysan ahayn afka baarkiisa oo kaliya. Waxay xustay in bulshadeedu ay u diyaar-garoobayso suurtagalnimada in maamulku isku dayo masaafurinta soo-galootiga, xitaa la beegsado muwaadiniinta rasmiga ah.
Inkastoo hadallada Madaxweynuhu ay abuureen jahawareer iyo qalqal, haddana Ilhaan waxay sheegtay in bulshadeedu ay is-garab taagan tahay, mana aha kuwo cagajugleyn lagu cabsigelin karo.

