Hargeysa (Caasimada Online) – Madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) ayaa maanta si rasmi ah u daah-furay bandhigga carwada macdanaha Somaliland (Somaliland Minerals Expo 2025) oo lagu qabtay magaalada Hargeysa.
Madaxweyne Cirro oo halkaasi ka jeediyay khudbad dhinacyo badan taabaneysa ayaa shaaca ka qaaday in qodista shidaalka Somaliland la bilaabayo sannadka 2027-ka.
Sidoo kale waxa uu hoosta ka xarriiqay in Somaliland ay tahay dal lagu aamini karo heer kasta oo ah maalgashi, iskaashi, shuraako, deyn iyo macaamil kasta oo Caalami ah.
Madaxweynuhu waxa uu si cad u iftiimiyey in Somaliland ay u dhammaystiran yihiin dhammaan xeerarka, siyaasadaha, hab-raacyada iyo nidaamka maamul ee malgashadaha u fududayn lahaa in uu si fudud u bilaabo shaqadiisa.
“Xasiloonida ka jirta Somaliland, nidaamkeeda maamul ee dimuqraadiga ah, sugnaanshaha amniga gudaha iyo xuduudaha, nidaamka garsoor waxay dhammaanba waafaqsan yihiin halbeegyada caalamiga ah, kuwaasi oo maalgashatada caalamiga ah siinaya kalsooni buuxda,” ayuu yiri Madaxweyne Cirro.
Madaxweynuhu waxa uu mar kale maalgashatada caalamka u caddeeyey maamulkiisa uu diyaar u yahay in si caddaalad iyo dano-wadaag ah looga wada faa’idaysto khayraadka dabiiciga ah ee ay Somaliland hodanka ku tahay.
Sidoo kale, Wsiirka Macdanta ee Somaliland ayaa isaguna sheegay in hawsha shidaal qodistu hadda tahay mid miiska saaran oo la guda geli doono dhammaadka sannadka soo socda.
Ceelka ugu horreeya ayaa laga daloolinayaa deegaanka Xood ee degmada Qoryaale ee gobolka Togdheer, waxana gacanta ku haysa shirkadda genel Energy. Ceelkan oo hore sahamintiisa iyo waddooyinkiisaba loo sameeyay ayaa la filayaa in la qodo sannadka 2027.
Si kastaba, carwada bandhigga macdanaha Somaliland oo ah tii ugu horraysay ee nooceeda ah ee lagu qabto Somaliland, waxa si heer caalami ah u soo diyaariyay wasaaradda tamarta iyo macdanta Somaliland oo kaashanaysa shirkadaha iyo daneeyeyaasha khayraadka macdanaha, waxana ay socon doontaa muddo laba cisho ah.
Ujeeddada guud ee carwada macdanaha Somaliland waxa ay ahayd in maalgashatada caalamka iyo muwaadiniinta si aqoon iyo xirfad leh loogu soo bandhigo macdanaha iyo khayraadka kala duwan ee ay Somaliland hodanka ku tahay.

