26.1 C
Mogadishu
Tuesday, December 30, 2025

Xog: Xasan oo u baxaya safar dibadeed + Qorshihiisa

Bookmark
Bookmarked

Share

Nairobi (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa ku wajahan magaalada Nairobi ee caasimada dalka Kenya, halkaas oo uu wada-hadallo kula yeelan doono dhiggiisa dalkaasi William Ruto, sida ay ogaatay Caasimada Online.

Ilo wareedyo xilkas ah ayaa innoo xaqiijiyay in si gaar ah uu Madaxweynaha u ambabixi doono 27-ka bishan oo ku beegan maalinta Sabtida ah ee soo socoto, waxaana casuumaad rasmi ah uu ka helay dowladda Kenya.

Wararka ayaa sheegaya inuu kulan gaar ah la yeelanayo Madaxweynaha dalka Kenya, isla markaana ay diiradda saari doonaan xaaladaha guud ee gobolka iyo arrimo Soomaaliya, maadaama ay Kenya qayb ka tahay dalalka dariska ah, amnigana ka taageera dowladda federaalka Soomaaliya.

Booqashada la filayo in Xasan Sheekh uu ku tego Nairobi ayaa imaaneysa, kaddib safarkii halka maalin ahaa ee uu dhawaan ku tegay magaalada Addis Ababa ee caasimada dalka Itoobiya, halkaas oo uu kula soo kulmay Ra’iisul wasaare Abiy Axmed.

Labada dhinac ayaa ka wadahadlay arrimo ay kamid yihiin xoojinta xiriirka laba geesoodka ah ee Soomaaliya iyo Itoobiya, kor u qaadista iskaashiga dhinacyada amniga, siyaasadda iyo arrimaha gobolka.

Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Ra’iisul Wasaare Abiy Ahmed ayaa sidoo kale maalintaas adkeeyay muhiimadda ay leedahay sii ambaqaadidda wada-shaqeynta ku dhisan is-ixtiraamka, daris wanaag iyo danta guud ee labada dowladood, si loo xaqiijiyo xasilloonida Geeska Afrika.

Waxaa kale oo uu safarkan kusoo beegmayaa, xilli haatan la kordhiyay joogitaanka ciidamada Hawlgalka Afrika (AUSSOM) ee Soomaaliya jooga, isla markaana ay qayb ka yihiin ciidamada difaaca Kenya ee ku sugan Jubbaland.

Si kastaba, Madaxweynaha Soomaaliya ayaa haatan si wayn deddaal ugu jira inuu ka miradhaliyo ajandihiisa qaran ee ku wajahan hoggaamintiisa Soomaaliya, gaar ahaan qorshihiisa hirgelinta doorashooyinka qof iyo codka ah oo ay weli diiddan yihiin maamullada Jubbaland, Puntland iyo mucaaradka.

- Advertisement -

Read more

Local News