Hargeysa (Caasimada Online) – Madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro ayaa kulan degdeg ah iskugu yeeray golihiisa wasiirrada.
Sida ay ogaatay Caasimada Online, kulankan aan caadiga ahayn ayaa Madaxtooyada Somaliland ka qabsoomaya makhribnimada maanta oo Jimce ah.
Kulankan degdegga ah ayaa imanaya xilli saacadihii la soo dhaafay ay warbaahinta qaar tabinayeen dhambaallo aqoonsi oo Somaliland uga iman kara Israa’iil iyo Imaaraadka Carabta.
Inkasta oo wararkaasi la isla dhexmarayo, haddana ma jirto wax faahfaahin rasmi ah oo ilaa hadda laga bixiyay arrintaas.
Sidoo kale, kulankan ayaa ku soo beegmaya iyadoo magaalada Hargeysa ay goordhoweyd soo gaareen wafdi ka socda Dowladda Mareykanka.
Sida ay inoo xaqiijiyeen saraakiil ka tirsan xukuumadda Madaxweyne Cirro, wafdiga Mareykanka ayaa kulamo la qaadan doona mas’uulliyiinta xukuumadda Somaliland.
Waxaa kale oo la sheegay in wafdigan ay socdaal ku tegi doonaan magaalada Berbera, oo ah goob muhiim ah isla markaana si weyn u daneynayo Mareykanka.
Wixii kasoo kordha kala soco Caasimada Online

