Garoowe (Caasimada Online) – Maamul-goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland ayaa markii ugu horreysay ka hadlay arrimo ku aadan aqoonsiga ay Israa’iil siisay Somaliland, waxayna caddeysay halka ay ka joogto ictiraafka.
Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Puntland, Mudane Maxamuud Caydiid Dirir oo wareysi siiyay Warbaahinta Daljir ayaa shaaca ka qaaday in aysan marnaba gorgortan ka galayn midnimada dadka iyo dalka Soomaaliyeed, wuxuuna si cad uga soo horjeestay aqoonsiga Israa’iil ee maamulka Somaliland.
Sidoo kale, wuxuu sheegay in gumeystayaashii reer Yurub aysan qabiil wax ugu darin qabiil kale, isla markaana haddii ay go’eyso beesha Isaaq ay la qaadaneyso inteeda oo kaliya.
“Mowqifka Puntland waa midnimo Soomaaliyeed, ma jirto calan Somaliland oo lagu qaatay xorriyadda Soomaaliya. Isaaq haddii ay Soomaali ka go’ayaan Soomaal inta ay leeyihiin ayey la go’ayaan oo ah qayb Togdheer ah iyo Ceel-afweyn ilaa xaafada-galbeed ee magaalada Ceerigaabo ah.” ayuu yiri wasiirku.
Waxaa kale oo uu sii raaciyay “Gumeystayaashii reer Yurub, qabiilna qabiil wax uguma darin, Isaaq intiisa ayuu lahaa, Awdal gaarkeeda ayey ahayd, Warsangeli Saldano ayuu ahaa, Dhulbahantena halkiisa ayuu joogay, calankaas buluugga ah ayaa xirnimada lagu qaatay, qabiil-qabiil wax loogu dhiibay ma jirin, calan Somaliland ahna ma jirin”.
Go’aanka Puntland ayaa kusoo aadaya, xilli muddo dheer ay la aamusneyd mowqifkeeda, taas oo keentay shaki iyo in la dhaleeceeyo Saciid Deni.
Israa’iil ayaa todobaadkii hore ku dhawaaqday inay Somaliland u aqoonsatay “dalmadax-bannaan oo leh qarannimo buuxda,” iyadoo xiriir diblumaasiyadeed la samaysatay maamulka fadhigiisu yahay magaalada Hargeysa.
Tani ayaa ka dhigtay Israa’iil dalkii ugu horreeyay ee tallaabadaas ku dhiirrada tan iyo markii Somaliland ay ku dhawaaqday gooni-isu-taagga sannadkii 1991-kii.
Ra’iisul Wasaare Benjamin Netanyahu, ayaa aqoonsigan ku tilmaamay tallaabo diblomaasiyadeed oo horumar leh, wuxuuna ku xiray qorshaha ballaaran ee caadiyeynta xiriirka gobolka ee loo yaqaan Abraham Accords.

