26.1 C
Mogadishu
Thursday, January 1, 2026

Xamza oo maanta u safray gudaha dalka – Magaaladee ayuu gaaray? + Sawirro

Bookmark
Bookmarked

Share

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xamza Cabdi Barre, ayaa maanta gaaray magaalada Dhuusamareeb, caasimadda owlad-goboleedka Galmudug.

Ra’iisul Wasaaraha iyo wafdigiisa ayaa waxaa halkaas si diirran ugu soo dhaweeyay Madaxweynaha dowlad-goboleedka Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye (Qoor-Qoor) Madaxweyne ku-xigeenka, xubno ka tirsan Golaha Wasiirrada Galmudug iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa inta uu ku sugan yahay Dhuusamareeb ka qeyb-gali doona Madasha Aragti-wadaagga ee Heritage, taas oo maalmahan ka socotay halkaasi.

Madashan ataa sannadkan diiradda lagu saaraya arrimo la xiriira siyaasadda, amniga iyo dib-u-dhiska hay’adaha dowladda Soomaaliya.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa halkaasi ka jeedin doona khudbad uu uga hadlayo xaaladda guud ee dalka gaar ahaan arrimaha la xiriira sidii loo ilaalin lahaa midnimada bulshada Soomaaliyeed.

Sidoo kale, Mudane Xamza Cabdi Barre ayaa kulamo la yeelan doona hoggaanka Maamulka Galmudug, iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa dhinacyadan ka dhageysan doona aragtiyadooda iyo talooyinkooda ku aaddan nabadda, horumarka iyo midnimada dalka.

Waxaa la filayaa in geba-gebada Madasha Aragti-wadaagga ee Heritage laga soo saaro baaqyo iyo farriimo loo diri doono dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed, xilli duullaan qaawan lagu soo qaadaya midnimada dalka.

- Advertisement -

Read more

Local News